Madaxweynaha Somaliya Oo La Taliye Ka Dhigtay Siyaasi Dawlada Ereteriya La Saaxiib Ah

1
587

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa siyaasiga Axmed Cabdi Xaashi (Xasharo), u magacaabay inuu la taliye uga noqdo siyaasadda arrimaha dibadda. Mr. Xasharo ayaa ah siyaasi la saaxiib ah dawladda Ereteriya kana mid ahaa hoggaamiyayaashii golihii ARS ee dib u xoraynta Somaliya ee lagaga dhawaaqay Ereteriya, ka dib markii la burburiyay awoodii ciidamadii Maxkamadaha ee Somaliya.

Warbixinta ay ay golaha ammaanka u gudbiyeen guddiga daba galka Somaliya iyo Ereteriya, ayaa waxa ay ku sheegeen in Mr. Xasharo uu yahay la taliye sare oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kala taliya arrimaha dibadda. “Waxa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud siyaasadda dibadda la taliye uga ah Axmed Cabdi Xaashi (Xasharo) oo ahaa hoggaamiye ka tirsanaa ururkii ARS, waxaanu taageero dhaqaale ka helay Ereteriya dabayaaqadii sannadkii 2012.” Sidaas ayaa lagu yidhi warbixinta UN Monitoring Group.

Warbixintu waxay sheegtay in Mr. Xashare uu kal hore sheegay inuu isfaham ka dhex dhaliyay dawladda Somaliya iyo xubnihii ururkii dib u xoraynta Somaliya ee ay xaruntiisu ahaan jirty magaalada Asmara ee wadanka Ereteriya. Mr. Xasharo ayaa ahaa safiirka Somaliya u fadhiya Qaramada Midoobay sannadihii 2002-2004.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa masuulkan uu xilka u magacaabay, wuxuu ku keeni karaa dhaawac siyaasadeed oo dibadda ah, maadaama oo dawladda Ereteriya oo uu siyaasigani xidhiidh weyn la leeyahay ay dunida reer galbeedka kaga jirto go’doon siyaasiya.

Comments are closed.