Wasiirka Gaashaandhiga Oo Ka Waramay Halka Ay Marayaan Hawlaha Ciidamada OPU

0
718

Picture5Hargeysa (Geeska)- Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa ka hadlay Ciidamada loo tababarayo ilaalinta iyo sugida amaanka Shirkadaha Shidaal baadhista ka bilaabaya Somaliland, waxaanu sheegay in dhanka Somaliland ay ka dhan tahay, balse dhanka Shirkada ay ka hadhsantahay, waxaanu xusay in Wasiirada Wasaaradda Arrimaha Guddaha iyo Arrimaha Dibada ay iyagu hawshaas galeen, isla markaana uu filayo in dhawaan si toos ah loo tababaro Ciidamada.

Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo Wargeyska Geeska Afrika u waramaya ayaa hadalkiisi ku bilaabay “Dhanka Somaliland wey ka dhan tahay, oo waa tii la shaaciyey ciddii ku guulaystay Tababarka Ciidamada ilaalinaya Shirkadaha ka bilaabaya Somaliland Shidaal badhista, iyada oo ilaa hadda aan la cayimin wakhtiga rasmiga ah ee la tababarayo Ciidamada ilaalinta Shirkadaha Shidaal baadhista, haddana waxa aan filaya inay dhawaan bilaamato, waxaana ay  hadda laga war sugaya Shirkadihii ku guulaystay”. 

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga  Axmed Xaaji Cali Cadami oo hadalkiisa si iwata ayaa yidhi “Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha ayaa iyagu hawshan si wada jira ah uga hawlgalay, uguna baxay, kalana soo hadlay, waxaana aad ugu rajo weynahay in sida ugu dhakhsaha badan hawshan loo galo, waxaana Umadda reer Somaliland u sheegaya inay shakiga iska saaran,Ciidamana meel kale ka iman mayaan, ee waa reer Somaliland, hore waanu ugu sheegnay, marar horena waanu ku celinay”.