Guddigii Hore Ee Doorashooyinka Oo Sheegay Inaanay Shirkadda La Dacweynayo Aanay Bixinin Laaluush

0
788

Picture6Hargeysa(Geeska)-Guddigii hore ee doorashooyinka qaranka ayaa beeniyay in xidhiidh laaluush dhex maray shirkadda Smith and Ouzman Limited ee soo daabacday waraaqihii cod bixinta doorashooyinkii madaxtooyada iyo goleyaasha deegaanada ee u dambeeyay.

Shirkadan ayaa lagu dacweeyay inay laaluushtay guddiyada doorasho iyo masuuliyin kale ee wadamada Somaliland, Kenya, Gaana iyo Murutaaniya si ay u hesho qandaraaska agabka doorashooyinka wadamadan. Waxaana xogo ay warbaahinta Ingiriiska iyo Kenya baahisay oo ay saxaafadda Somaliland soo turjuntay  lagana helay maxkamadda Ingiriiska ee dacwada dhagaysanaysaa ay tilmaameen inuu dhinaca guddiga doorashooyinka Somaliland wakiil uga ahaa nin lagu magacaabo Cabdi Cumar oo qaatay laaluush dhan $ 32,000 (Laba iyo soddon kun oo Dollar) isagoo  $12,314 (Laba iyo toban kun, saddex boqol toban iyo afar dollar) siiyay dhinac saddexaad oo uu laaluush ahaan u sii siiyay.

Hase yeeshe guddigii hore ee doorashooyinka oo shalay la soo xidhiidhay Geeska Afrika, ayaa iska difaacay eedaha loo jeediyay ee musuq. Cabdiraxmaan Dixood oo ka mid ahaa guddigaas hore ee doorashada islamarkaana ka mid ahaa guddiga bixisay qandaraaska ay shirkadani waraaqaha cod bixinta ku soo daabacday, ayaa yidhi, “Warkan wax ka jiraa ma jiro. Shirkadu waa run oo waraaqaha way daabacday laakiin wax laaluush ah oo ay ku bixiyeen helitaanka qandaraasku ma jiro. Si sharci ah oo xalaal ah ayay ugu guulaysteen.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Dixood, waxaanu intaas raaciyay, “Dhawr goor oo hore ayay soo daabaceen waraaqaha cod bixinta doorashooyinka Somaliland, mana jiro wax laaluush ah oo ay ku bixiyeen inay qandaraaskan ku helaan.”

Cabdiraxmaan Dixood, oo la su’aalay inuu xidhiidh dhex maray ninka lagu magacaabo Cabdi Cumar ee ay warbixintu sheegtay inuu ahaa wakiilka shirkadda Smith and Ouzman Limited u qaabilsanaa Somaliland, wuxuu yidhi, “Ninkaas wax wada shaqayn ah oo na dhex martay ma jirto, marna maanu wada shaqayn, manaanu wada xidhiidhin. Waxaan markaas kuu cadaynayaa inaanay guddigii hore ee doorashooyinka aanay shirkadaasi wax laaluush ah siinin islamarkaana ay si cadaalad ah ugu guulaystay qandaraaskaas, oo aanu annagu u xulanay markii aanu tayada dhukumentiyada ay noo soo daabacayaan aragnay.”

Shirkadan ayaa waxa dacwad ku soo oogay xafiiska Ingiriiska u qaabilsan la dagaalanka musuqa, waxaana lagu eedaynayaa laaluushka ay bixisay si ay u hesho qandaraasyadan oo ah kuwo wadamadan Afrika oo ay Somaliland ku jirto.