Wasiirka Gaashaandhiga Oo Ka Sheekeeyay Sida Uu U Dhacay Muran Iyo Hadalo Taag-Taagan Oo Dhex Maray Wasiirka Madaxtooyada Iyo Ciidanka Qaranka

0
742

 

cadamiHargaysa( Geeska )-Wasiirka wasaarada gaashandhiga Md. Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa ka sheekeeyay hadalo taagtaagan iyo muran duleedka madaarka Hargaysa ku dhex martay wasiirka madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xasan  iyo ciidamada qaranka.

 

Muddooyinkii u dambeeyay waxa isa soo tarayay muran u dhexeeya wasaaradda duulista iyo ciidamada qaranka oo la xidhiidh dhul ay labada dhinacba ku doodayaan inay leeyihiin, waxaana la sheegay inay halkaas dhawaan isku dhaceen wasiirka madaxtooyada oo ka mid ahaa xubno wasiiro ah oo dhulkaas tagay iyo ciidamada qaranka oo iyaguna goobtaas joogay, waxaanay wararka qaar sheegeen inay ciidamada qaranka iyo wasiirku dirqi ku kala badbaadeen. Laakiin Wasiir Cadami, waxa uu meesha ka saaray in goobtaas uu ka dhacay wax is faro saar ah iyo cid ciidamada qaranka ka tirsan oo arintaas loo xidhay, balse waxa uu xusay inay jiraan baadhitaano ay ciidamada qaranku ku badhayaan aflagaado uu sheegay in wasiirka loo gaystay.

Waxa uu arintan Wasiir Cadami kaga hadlay waraysi gaar ah oo uu siiyay wargayska Geesk Afrika, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan  “Maalintaas aan anigu joogay ee hawshaas( Xadaynta madaarka ) la soo dhameeyay cid gawaadhi jiidhay iyo cid la sigay toona may jirin, waxa noo imanaayay wasiirka madaxtooyada, markii uu noo yimid ciidan halkaas joogay oo ciidanka milatariga oo madaarka ilaaliya oo aan ahayn mid meel kale ka soo dhacay ayaa wasiirka is hortaagay, dabadeedna waa uu noo qayliyay anaga oo meesha uga sii horaynay, deedna waxaanu nidhi soo daaya, gacan haadisna waanu isku arkaynay halkuu isagu ka soo galay iyo intayada kale halkaanu joognay.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Halkaas markaas xoogaa aflagaado ah ayaa ka dhacday sidii anaga naloo sheegay, wasiirka oo keliyina ma joogine dad badan ayaa joogay, aflagaado aan munaasab ahayn meel kadhacna ah ayaa ka dhacday, waxaanay ka dhacday na sii daaya qoladaas idinla hadlaysaan la soconaye( Wasiiro ka soo horeeyay wasiir Xirsi ), wasiirka madaxtooyadana waan ahay, dabadeedna wixii uu sheegay laguma sii dayn.”

Wasiirku, wuxuu sheegay in baadhis lagu hayo cidda gaysatay aflagaado aanu carrabaabin, waxaanu yidhi “Niman markaas nala joogay oo ay kamid ahaayeen sarkaalka hawlgalinta qaabilsan ayaa meeshii tagay, waxii aflagaado ah ee dhacayna ciddii gaysatay ayaa la hubinayaa, milatariga ayaana arinkaas la wareegay oo shaqo ku leh, laakiin gacan saar dhacay ma jirin goob joogna waan ka ahaa, markaan warbaahinta ku arkay gacan saarkana anigaa yaabay oo is idhi ma habeenkiiba laysku soo guday, meeshana cid is haysaa ma jirtee labada dhinacba waa loo dhaxeeyaa, waxii laysku qabtana gudibaa loo saarayaa ama madaxweynaha amar ka bixinaaya, waxa laysugu kaayo darayna waxa weeye sida ugu haboon ee meeshaas looga faa’idaysn karo.”

Ugu danbayntii waxa uu wasiirka gaashan dhiga Axmed Xaaji Cali Cadami uu hadalkiisa ku soo gunaanaday sidan “Qoladan wasaarada duulistuna iyagaa meeshooda ka shaqaysanaaya milatarigana mabnuuc kama aha oo dhulbay meesha ka degan yahiin, oo madaarkay gaadh ka hayaan, laba is diidayana maaha oo dunida oo dhan militariga madaaro gaar ah looma sameeyo, sheekadu intaas ayay ku dhamaatay wax dagaalamay iyo wax la kala qabtay toona ma jiraan, waanay jiraan baadhitaano arintaas loo saaray oo ciidamada milatariga dhexdooda ah.”