Dib u Dhaca Magaalooyinka Somaliland Yaa ka Masuul ah? Waxa Qoray Cabdinaasir Hangagaar

28
1227

GetAttachment.aspxMaxaa kalifay in dhamaan Magaalooyinka Somaliland aanay horumar la tilmaami karo ka samayn dhamaan Adeegyadii aasaasiga ahaa ee ay u baahnaayen bulshadu, Hadii ay noqoto Biyihii oo ah baahida koowaad ee nolosha, Laydhkii, Jidadkii, Caafimaadkii (Primey Health), Waxbarashadii Hoose (Primery Eduction) iyo dhamaan wixii la hal maalayay?

Hadaba sida Xeerka Somaliland ee Gobolada iyo Dagmoyinka ku cad (Low no: 23) Dawladaha Hoose waxay bulshada masuul uga yihiin dhamaan adeegyadaas aan soo sheegay oo qarkood ay hoos tagaan wasaaradaha iyo Haayadaha qaranka oon sharci ahaan wax shaqo ah ku lahayn.

Dadka Bani’aadamka ah ayaa ku kala duwan fikirka, garaadka, aqoonta, farsamada, hanka, hal abuurnimada iyo caqliga waa sida uu hadba Illahay u abuuraye anigu waxaan qiraya in buslashadeenu ka masuulyihiin yihiin dib u dhacaas ku yimi qodobadaas aan kor kuso xusay Anigo kaashanaya Khibrada aan ka helay sanadihii aan la shaqaynayay Todoba iyo Afartanka Dagmo ee ka diwaan gashan ururka Dawladaha hoose ee Somaliland ALGASL, waxaan la kulmay waxyaabo badan oo khaldan, Khaladkaasina uu markii hore ka yimi bulshada.

Iskuso wada duubo Hadan caasimada Somaliland ee Hargeisa oo hormood u ah dhamaan magaaloyinka wadanka aan tusaale usoo qaato Waxaynu dooranay Shan iyo Labaatan mudane oo iyagu iska dhax doorta duqa caasimada, Mudanayaashaas aynu dooranay boqolkiiba Todobaatan uma laha wax khirbrad ah ama aqoona shaqada ay u hayaan bulshadooda iyadoo laga yaabo inay waxyaabo kale ku fiicanyihiin, Xilkoodi waxay kusoo kooban musuuliyado aan waxba ugu fadhiyin dadkii soo doortay ee ay ahayd inay ka shaqeeyan sidii ay ugu heli lahaayen adeegyo dhaxalgal ah oo bulshada waxtar u leh iyagoo caadaystay faro galin ay ku hayaan maamulka iyo inay kolba fayl  ay si sharci daro ah ugusoo saxeexan kolba cidii ay ka qaataan laalush ay xalaasheeden iyo cidii ka timi halkii laga soo doortay (constituency).

Shaki kuma jiro, caadna inagama saarna cid ka war la’ina ma jirto in dalkeenu yahay dal hodan ah oo hadii ay maamulkii saxda ahaa yimaadan horumar dag daga gaadhi kara islamarkaana si fudud afka loogu saari kara wadada horumarka, Sidaa daraadeed maanta oo ay soo socoto doorashadii goolaha deeganku waa inaynu doorana madaxdii ku haboonayd xilkaas inagoo u eegayna aqoontooda kartidooda iyo waayo aragnimadooda maadama oo ay dorashadani sidaas oo dhan muhiim ugu tahay bulshada, Hadaba Waayeelka xaajadu marbay weyd ka noqotaayeKol hadii aynaan markii hore khibrad u lahayn doorashada Waa inaynu ka kornaa qabyaalada iyo nin jeclaysiga oo aynu eegnaa dalka yaa wax tari kara, dadka yaa u danayn karaa, maamul wanaagna hanankara horumar dagdagana gaadhsiinkara dhamaan adeegyadaas aasasiga ah inagoo ku xulanaynaa  aqoontooda iyo Kartidooda.

Waxaan kusoo koobaya doorashadaasi yaanay noqon isku badal ee ha noqoto isbedel bulshada horumar u keena, Sida niyadeena ku wada jirtana ay suurto gal ku noqonkarto In magaalooyinkeenu la tartamaan magaalooyinka jaarka islamarkaana hiigsadaan magaalooyinka aduunka, In maamulka imaada ee aynu dooranaa noqdaan maamul dhiiri galiya maalgashiga dadwaynaha oo aan culays ku noqonin iyagu Bulshada doonaya inay horumar kasameeyaan wadanka gudihiisa.

Abdinasir Hangagaar

London,  Uk.    Hangagaar@hotmail.co.uk

Comments are closed.