Madaxtooyada Oo Beenisay Inay Xidhay Haweenay Ka Shaqaysa Oo Lagu Eedeeyay Inay Aflagaadaysay Madaxweynaha Iyo Marwadiisa

0
727

 

Madaxtooyada-SomalilandHargeysa(Geeska)-Madaxtooyada Somaliland ayaa beenisay inay ciidamada ammaanku xidheen islamarkaana maxkamadda la geeyay haweenay ka tirsanayd shaqaalaha madaxtooyada oo lagu eedeeyay inay cayday Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo marwadiisa Aamina-weris Maxamed jirde.

 

Mid ka mid ah wargeysyada dalka ka soo baxa ayaa shalay baahiyay inay ciidamada Boolisku xabsiga dhigeen haweenay lagu eedeeyay aflagaadayn Madaxweyne iyo marwadiisa, waxaanu wargeysku sheegay in haweenaydaas khamiistii la horgeeyay maxkamadda gobalka Hargeysa islamarkaana loo diray Rumaan. Hase yeeshey Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleban Dhuxul oo uu Geeska Afrika xalay wax ka weydiiyay dhacdadan, ayaa beeniyay “ Wax alla wax arrintaas ka jiraa ma jiraan, waana warar aan sal iyo raad toona  lahayn oo aan suurto gal ahayn, waanan la yaabnay.” Ayuu yidhi afhayeenka Madaxtooyada.

Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu soo xaqiiqsaday in khamiistii maxkamadda gobalka la horgeeyay haweenay ku eedaysan aflagaadayn masuul qaran, balse aan la sheegin masuulkaasi qofka uu yahay, waxaanu warku intaas ku darayaa inay waaxda baadhista dambiyada ee CID-du codsatay in la siiyo wakhti ay baadhitaankooda ku soo dhammaystirtaan taas oo keentay inay maxkamadu toddobaad rumaan ah u dirto haweenaydaas oo aanay noo suurtogelin inaanu magaceeda iyo muuqaalkeeda helno, lamana hubo in  la sii daayay in kale.