Wasiirka Duulista Oo Ka Hadlay Xayndaab Loo Samaynayo Madarka Hargeysa

0
680

Picture1Hargeysa (Geeska) Wasiirka Wasaarada Duulista iyo hawadda Maxamuud Xaashi Cabdi oo uu wehelinayaan Wasiirka maaliyada Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Maayarka Caasimada Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa shalay kormeer indho indahayn ah ku sameeyey dhismaha xayn-daabka Madaarka Cigaal oo socda.Masuuliyiintani ayaa waxa ay indhahooda ka soo arkeen hawsha dhismaha xayndaabka Madaarka Cigaal Airport, oo ay Wasaaradda duulista Somaliland gacanta ku hayso, xayndaabkani oo ah 13Km oo isku wareeg ah ayaa waxa hada dhamaaday Sadex Kiiloo Mitir.

Wasiir  Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa fariin la xidhiidha Dhismaha Xyn daabkaasi warbaahinta u mariyey dweynaha deegaanka Koonfurta Hargeysa ee uu ku yaalo madaarku waxaanu yidhi “ waxaan jecelahay in aniga uu munaasibadan iyo warbaahinta ugu faa’iidaysanaya inaan hadal hawda u mariyo dadweynaha deegaankan Madaarka Cigaal Airport ee aanu xadaynayno, shaqada xadaynta iyo dhismaha xayndaabkuna ay meel adag marayaan, oo laga yaabo in dad badani ay maalmahan oo dhan hadal hayeen , waxa ay Xukuumadani wadaa oo ay ku dhiiratay inay madaarka u samayso xad iyo xayndaab, waa rukun ka mid ah rukumada Garoonkeena lagu aqoonsanayo, ma socon karto in garoonkeena dad dhex maraan oo dayuurahaduna ay kalsooni qabaan, mana socon karto, in qofkii garoonka imadaaba uu goobta diyaaradu istaago imaado, siduu u soo socdo sidii hore u dhici jirtay, taasi ma soconayaso, dhaqankeena iyo waxa madaar laga doonayaan isma galayaan, madaarka wax laga rabaa inuu noqdo meel xidhan oo sharci uun lagu galo, waxaan dadweynaha ugu mahad  celinayaa siday arintaasi xayndaabka loogala shaqaayeen, oo kuwii dhulka lahaa markii la yidhi dhulkaagii dan guud ayaa loo rabaa, aanu nala dagaalamanin ee uu nala shaqaayey.”

Wasiirka Duulista oo hadalkiisi sii wada ayaa waxa uu yidhi “ Aadbaan ugu mahad celinayaa, waxanan dadweynaha leeyahay inta hadhnaya waa inaynu dhamays tirno, oo sidii hore aynu u soo wadnay nagula shaqeeya, 13Km (Sadex iyo Toban Kiilii Mitir) oo isku wareegaya ayuu dayn baabkaaasi noqnayaa, waxaan leeyahay beeralayda Koonfurta madaarka Hargeysa degan walaalaylaal danteena guud u dul qaata, danteena guud ayaa ka muhiisan danta gaarka ah, waxaan dareensahay inay habeenkii damqayso markay soo guureeyaan inuu xaynbaabku xidho doono, waxaan leeyahay mara wadooyinka cusub ee loogu tallo galay ee koofurta midi tahay midna bariga, anagu halkan dhul kama rabno, dawladuna dhul ay iibinaysaa ma jirto, waanu dareesnahay dacaayaha ay wadaan dadka af-miishaarada ah ee xumaha doonayaa ay inta wanaaga wada ay ku dhibaan, barxada madaarka laga soo galo oo aanu shalay xayndaabkeeda wadnay waxaanu dareen sanahay in la lahaa Tijaar ayaa lagu iibinayaa, Xukuumadini waxay wadaan, wax weyn oo qiimo leh, waa wax weyn oo qaranka Somaliland iyo caasimada Hargeysaba u soo kordhaya, waxaan leeyahay dadweynaha nala qabta, iskaashi ayaanu idiinka baahnahay fahan iyo bishaylkaa nagula wadeen nagula wada, af-miishaarada warkooda iska ilaaliya SIduu EEBBE yidhi, halkan dhul aanu inta aanu cid ka qaadno cid kale siinaynayaa ma jiro, waxaanu wadnaa dhulkaas waala xidhayaa, dadkii lahayaa ayaa loogu yimid oo la yidhi waa loo baahan yahay cid kalena la siin maayo.”