Maayirka Hargeysa Oo Qaylo Dhaan Ka Muujiyey Xabaalaha Boqol Jire Oo Qarka U Saaran Inuu Daadku Qaado

0
689

Hargeysa(Geeska)-Golaha Deegaanka ee Hargeysa ayaa qayllo dhaan u kala diray bulshadda reer Hargeysa inay badbaadiyaan xabaalaha Boqol jire oo laga cabsi qabo inay biyaha soo rogmadaan qaataan.

Maayirka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) ayaa sheegay in xabaalaha boqol jiray ay ku jiraan odayaashii magaaladda, isla markaana loo baahan yahay in dooxyadda ku soo rogmaday sidii looga badbaadin lahaa taas oo dhaqaale ka awood badani u baahantahay in biyaha laga xidho.

Maayirka Hargeysa Md:Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko ayaa qaylo dhaan u diray bulshadda caasimadda Hargeysa  waxaanu yidhi  “xabaalahan oo la sheegay inay ka da’weyn yihin Hargeysa oo dad badan oo badhtamaha magalada dhisay ku jiraan, waxa galay laagihii laba laagood ayaa ku soo faruurtay oo ah ishii Cobosha oo qoladda farsamadda ka wada hadalnay sidii wax looga qaban lahaa, iyo laagta kale ee dusha ka timaada  sidii xabaalaha looga duwilahaa, hoyga rasmiga ahi waa intaa yar ee qofku ka leeyahay dhulka, dhibaato weyna way ka dhacday halkan, waxaanu lahayn dawlad hoose ahaan dhaqaalahayagu wuu yar yahay laakiin macnihii lagu dhisi lahaa ama lagu badbaadin lahaa ayaanu haynaa, macnihii iyo qalabkiiba waanu haynaa, maalinta Arbacadda ee soo socda dadka danaynayaa inay wax ka qabtaan waa inay halkan iskugu yimaadaan tobanka barqo nimo arrintaasi oo laga wada hadli doono sidii wax looga qaban lahaa, dhaqaale badan ayey u baahantahay farsmadii sidii wax looga qabanayey waxa ay sameeyeen, iyadoo dhamaystiran lagu soo bandhigo maalinta Arbacadda ah ee la iskugu imanayo  sidii xabaalahan loo badbadin lahaa”

Dhinaca kale xildhibaan Axmed Daahir Axmed  oo ahaa xidhiidhiyaha dadka Deegaanka iyo Maayirka ah ayaa sheegay in xabaalahan boqol jire ahaayeen qaar ay ku aasan yihiin odayaashii magaaladda Hargeysa aasaasay, isla markaana loo baahan yahay in eheladdii dadkaaasi iyo cidii kale ee wax ka qabanaysay badbaadiyaan xabaalaha.

Xildhibaan Axmed Daahir  oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Goobtan aynu taaganahay waa degmadda 31 may, waa xabaalihii boqol jira la odhan jiray ama Muuse Ducaale, waxaanu taaganahay Doox u dhexeeya dhulkii iyo xabaalihii, taas oo uu maayirku u yimid sidii aritan wax looga qabto, runti anigoo ah xidhiidhiyihii dadka deegaanka iyo maayirka, waxaanu doonaynaa in dadkeena gaadhsiino baaxadda jirta inta ay leegtahay”. Eng:Maxamuud Caalami oo ka mid ah Injineeradda loo diray hawshan  ayaa yidhi “sida taariikhdda ka helayno waxa jiray moosas waaweyn, biyihii iyagoo xawli ku socda ayey halkan ku soo dhacayaan,markii aanu xaaladan qiimeyno waxaanu isla garanay in loo sameeyo gabi biyaha ka celiya xabaalahan, kaabado iskugu jira sodon mitir, halka biyuhu ka imanayaa loo sameeyo moosas biyaha qabta oo awoodooda yareeya, marka arintaasi waxay u baahanay fulinteeddii oo dadka deegaankuna ka qaybqaataan”.

Eng: Cabdi khaddar Cabdilaahi Cali oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ waxa jirta  tu kale oo halkaasi ah oo biyihii jabiyeen kaabaddo lagu xidhay balse biyihii jabiyeen”.

Oday Maxamed Axmed Xuseen oo ka mid ah odayaasha deegaanka ayaa isna yidhi “meeshani waxay ahayd beero, laakiin magaaladii ayaa dhinac walba ka marta oo waxay isku bedeshay baloodho  oo dadkii dhinac walba ka maray, oo beertiiba toban qoys ayaa dhaxlay, markii wax laga qaban waayeyna biyihii ayaa soo jiidhay, halkan aynu taaganahay ee waalidiintu ku aasan yahay waa in wax laga qabto, anagu waxaanu isku xukunay calaa beer in baloodh loo jaro oo aanu kaga qaybqaadano xabaalaha lagu dhisayo, dad ay waalidiintaasi dhaleen oo dibadda ku maqan oo wax inagala qaban kara way jiraan, “. Oday Yuusuf  ayaa isna waxa hadaladiisii kamid ahaa “ xabaashan Hargeysay ayey ka da’ weyn yihiin oo Hargeysa dadkii dhisay halkan ayey ku aasan yihiin, dadkii dadkan ka hadhay waxaanu u sheegaynaa inay usoo gurmadaan xabaalahan”.

Sidoo kale, waxay Golaha deegaanka Hargeysa u mahadnaqeen sheikh Aadan Siiro oo hore isagu kaabaddo ugu xidhay qaybo ka mid ah xabaalahan si biyaha uu uga badbaadiyo, inkastoo ay qaybo ka mid ah biyuhu jabiyeen.