Beel Xukuumadda Ku Gacan Saydhay Go’aanka Baliga Diiriye Guuleed Iyo Jawaabta Wasiirka Amniga

0
714

Picture2Hargeysa(Geeska):-Qaar kamida Odey dhaqameedka iyo Xildhibaanada ka soo jeeda beesha Cabdale Arab ee Gobalka Togdheer ayaa ka soo horjeestay go’aan ay Xubno kamida Golaha Wasiirada Xukuumada Siilaanyo ay sheegeen in ay ku xaliyeen khilaaf dhuleed oo u dhaxeeyey Labadii beelood oo walaala ahaa ee dhawaan deegaanka Bali Diiriye Guuleed oo ku yaala dhinaca bari ee magaalada Burco isku horfadhiyay.

Odey dhaqameedkan iyo xildhibaan oo shalay shir-jaraa’id oo ay qabteen ku tilmamay in go’aankaasi ay xukuumadu gaadhay uu ahaa mid cadaalad darro ah islamar ahaantaana uu ahaa kaliya mid ku kooban xubnaha Wasiirada ah ee hawshaasi dhexdhexaadinaayey,waxaana ay carabka ku adkeeyeen in aanay ka beel ahaan u hogaansami doonin go’aankaasi.

Xildhibaan Kayse Cabdi Raage oo kamida xildhibaanada Golaha deegaanka ee dagmada Burco oo halkaasi ka hadlay ayaa waxaa hadaladiisii kamid ahaa:”waxaanu u sheegaynaa Bulshada Somaliland meel kasta oo ay joogaan in arrinta maanta halkan ka dhacday ee ay wasiiradu la yimaadeen ay tahay tii umadu ay isku dili jirtay, Madaxwaynnuhuna wuu ogyahay xaalada taagan, waxa ka socda arrinkaasina yahay arin dagaal lagu oogayo. umada somaliland wixii ay u soo halgantay ee midnimadeeda ugu soo dhimatay in maanta lagu wiiqayo ayaanu u argnaa, hadii mudane madaxwayne warqdan baad ku taalaaye laga been abuuray wixii arinkan keenay  talaabo degdeg ah ka qaad.hadii aad ogatahay arintan waa  inaad degdeg uga noqoto, dhul hagaagsan oo sharci leh in baabi’iyo wax dhacaya oo aanu qadanayno ma aha”.

" Iyada oo magacaygu yahay  Cumar Aboker  waxaanu sheegaynaa arintaa saaka nalugu dhawaaqay ee Xukunka Xaarantaa nalagu qaaday inaan Beesha Cabdale Arab Yeelaynin qadanaynina waxkastaba hadii ay dhacaan sababta oo ah saddax Boqol oo sanadood meesha Daganayn ee aan meelna anan uga kacin ee maanta cadlad darada nalagu qaaday ee layadhi kakac oo la idhi ka qaada Lugaha  Ilaa Heer Madaxwayne  ilaa heer wasiro ilaa heer maayir lagu qaaday Ilahayna waa Arkaya Somaliland nA way wada arkaysa Beelaha Somaliland ee nala deegan ha maqleen qaadan mayno haday waxyarna naga hadhayn qaadan mayno " Ayuu yidhi Odey Cumar Abokor oo kamid ah Odayaashii shirkaasi jaraa’id ka Hadley.

Dhanka kale Wasiir ku xigeenka Aminga Somaliland Md:Cali Maxamed Cilmi oo Wargeyska Geeska Afrika uu khadka taleefanka kula xidhiidhay ayaa uu wax ka waydiiyey sida ay u arkaan go’aanka ay soo saareen ee  labadii dhinac mid kamid ahi sheegay in aanay ku qanacsanayn,waxaana uu sheegay in marka hore in Xukuumadu ay ka masuul tahay deegaamaynta dhulka iyo sharciyadiisaba taasi oo ay Xukuumadu meeshii ku haboon iyo meesha kaleba ay ku shaqo leedahay,waxaana uu carabka ku adkeeyey in go’aamadaasi ay soo saareen ay yihiin kuwo sideeda u fulaaya. “Horta waxa weeye dhulka deegaamayntiisa iyo sharciyeyntiisaba waxaa ka masuul ah dawlada,Xukuumada ayaana ay u taala meesha aan ku haboonayn iyo meesha kaleba,beel iyo shakhsi waxa weeye sida ay doontaba ha ahaatee illayn waa uu damaaci karaaye sida uu doono ayuu doonayaa,laakiin dawlada ayaa ogalaanshihiisa hadaan meeshaasi aanay  ku haboonayn ee ku shaqo leh markaa laba beelood oo deegaanka wada dagan oo walaalo ah oo labada tuulo ee hareeraha ka xiga meeshaas ee ay barkadaha iyo guryahaba ay ku wada leeyihiin ayaa meesha laysku qabtay halaga dhigo dhul daaqsimeed iyo yaan laga dhigin,markaa labada meeloodba dee tuulada waxyar ayaa ay u jiraan Baliga Diiriye Guuleed ee bil diigta iyo Booraamo waan badhtankeeda sidaa darted deedna dee markii ay isku khilaafeen ka daaya ayaa aanu nidhi oo deedna qolo ayaa jabisay heshiiskii,markaa markii aanu anagu ka Wasiiro ahaan iyo Maamul ahaanba aanu arrinta isla eegnay waxaanu u aragnay in aanay meeshaasi ku haboonayn deedna sidaas ayaanu anagu go’aanka aanu ku soo saarnay,markaa go’aanka dawladuna waa uu fulayaa waana uu hirgalay waxii meesha nabad galyo ka sameeyey maantaba Ciidanka Bilayska ayaa meesha tagay hadana wax dhibi kama taagna deegaankaasi”Ayuu yidhi Wasiir Ku-xigeenka Aminga Somaliland Md:Cali Maxamed Cilmi.