Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Ka Hadlay Markiib Somaliya Laga Leeyahy Oo Laas-qoray Soo Galay

0
502

Picture4Hargeysa(Geeska):-Xukuumada Somaliland ayaa Jawaab dhoola-tus ciidan ah ka bixisay Markab la sheegay in uu dhawaan soo galay Xeebaha Somaliland oo ay Xukuumada Somaliya ka soo kiraysatay Hay’addo Ajaanib ah,kuwaasi oo ay ugu sheegtay in ku ilaalinayaan Xeebaha Somaliya.waxaana ay Xukuumada Somaliland ay sheegtay in ay talaabo adag ay ka qaadi doonto cida ku soo xadgudubta Xeebaha Somaliland.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Md:Cali Maxamed Waran Cadde oo warbaahinta la hadlaayey ayaa sheegay in ay Xeebaha Somaliland ay u direen Guutadii ciidan ee ugu horeysay oo ka tirsan ciidanka illaalada Xeebaha Somaliland,si ay kormeer ugu soo sameeyaan Markabka ay Xukuumada Somaliya wadatay ee soo galay xuduuda Xeebaha Somaliland.waxaana uu cod dheer ku sheegay in Xukuumada Somaliland ay ka adagtahay in ay sugto,sida oo kalena ay adkeyso amaanka xeebaha Somaliland,waxaana uu carabka uu ku dhuftay in ay mar danbe hadii ay xeebaha Somaliland ku arkaan Markabka ay Xukuumada Somaliya wadato ay talaabo adag ka qaadi doonaan,isaga oo beesha caalamkana ugu baaqay in aanay maqal beenta ay fidinayaan dawlada Xamar.

"Waxaa jirtay in Xukuumada Somaliya ee Xaramr ay Markab ay Hay’addo ay ka soo kiraysteen ay soo galeen Xeebta Somaliland gaar ahaan Laas-qoray, sidaas awgeed waxaa aanu maanta dirnay guutadii ugu horeystay ee Ciidamada Bada Somaliland in ay kormeer ku sameeyaan Markabkaas bada soo galay,waxaanan jeclahay runtii in aan halkan aan uga sheego Hay’addaha ay Somaliya u sheegtay ee Maraakiibta aanu u sheegayn in hadii ay mardanbe ay dhacdo in aanu aad u feejiganahay, waxaanu u sheegay in aanu kala soo dagno markab kasta oo soo gala xeebaha Somaliland oo ay Somaliya wadato, markaa Somaliland halkan iyada ayaa xukunta sidaa awgeed Hay’addaha ay ka soo kiraysteen Calooshood u shaqaystayaashaasi in ay ka fogaadaan badahayaga"Ayuu yidhi Md Cali Maxamed Waran Cadde

Dhanka kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Taliyaha Ciidanka Illaalada Xeebaha Somaliland Admiral Guuto, Axmed Aw- Cismaan,waxaana uu sheegay in ay ciidankan ay u direen in ay soo kormeeraan Xeebaha Somaliland ay Jawaab uga dhigayaan Dawlada Somaliya oo uu sheegay in ay xadgud ku soo samaysay Xuduuda Xeebaha Somaliland.

"Koofiyad iyo Koodhba waxaanu maanta(Shalay) isaga saarnay Jawaab aanu u dirayno Somaliya oo soo hadal qaaday badaha Jamhuuriyada Somaliland,waana kooxdii Koowaad,qaar kalena waa ay ka dambeeyaan "Ayuu yidhi Admiral Guuto, Axmed Aw- Cismaan,