Madaxweynaha Somaliya Oo Ka Hadlay Wada Hadalada Somaliland & Somaliya Iyo Xaaladda Gobalada Bariga Somaliland

0
580

Picture5Muqdisho(Geeska)-Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay inay dawladiisu xoojinayso wada hadalka ay kula jirto dawladda Somaliland, waxaanu sidoo kale ka hadlay gobalada bariga Somaliland. Wuxuu Madaxweynaha Somaliya ka hadlayay waxyaabaha u qabsoomay labadii sannadood ee uu xilka hayay oo ku beegnaa toddobaadkan dhammaaday.

Xasan Sheekh, oo habeen hore su’aalo ay shacabka Somaliya si toos ah u weydiinayeen, ayaa wuxuu ku dooday inay arrimaha Somaliland iyo Somaliya ka dhexeeyaa ku dhammaanayaan wada hadalkaas. “Wada hadallada aan kula jirno Somaliland waan sii xoojinaynaa, khasabna ma jiro, balse wax walba waxaan ku dhameynaynaa wadahadal.” Ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliya oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay wada hadalka Somaliland iyo Somaliya.

Mar wax laga weydiiyay arrimaha maleeshiyaadka Khaatumo iyo xaaladda gobalka Sool ee bariga Somaliland, wuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku jawaabay, “Labadaas gobal ee Sool iyo Sanaag waxay ka mid yihiin 18ka gobala ee Somalyieed. Markaas waxaanu mar walba ixtiraamaynaa rabitaanka dadka ku nool labadaas gobal. Laakiin waxa ka muuqata kala qaybsanaan badan oo dhexdooda ah. Imika intaasaan ku dhaafayaa waxaanan leeyahay colaadaha halaga daayo.”