Shirkadd HASS Oo Dekedda Berbera Keentay Markab Baatrool Ah

0
557

Picture3Berbera(Geeska)-Waxa dekedda Berbera ku soo xidhay Markab shidaalka Baatroolka loo yaqaano u sida shirkadda HASS, kaas oo la filayo inuu wax badan ka bedelo qiimaha Baatroolka oo muddooyinkii u dambeeyay meel sare gaadhay.

Qiimaha Baatroolka ayaa gaadhay halkii u saraysay, ka dib markii uu Baatroolku wadanka ku yaraaday. Hase yeeshe Maareeyaha shirkadda HASS Mr. Cabdirisaaq Ibrahim Attaash, oo xalay u waramay Geeska Afrika ayaa sheegay in markab sida Baatrool dhan 1500 oo Mitir Kuyuubik uu ku soo xidhay dekedda Berbera islamarkaan la bilaabay in shidaalka laga soo dejiyo. “Annagu HASS ahaan marnaba maanu kordhin qiimaha Baatroolka oo waxaanu ku soo iibin jirnay qiimihii hore, laakiin haddana suuqyada waxa lagu arkayay in Baatroolka qaaliyoobay, imikana waxaanu rajaynaynaa in markabkan Baatroolka sidaa uu wax badan ka bedelo qiimahaas hore ee la qaaliyeeyay.” Ayuu yidhi Mr. Attaash oo carrabka ku adkeeyay inaanay shirkada HASS marnaba shirkadaha  ay Baatroolka ka soo iibiso ku kordin qiimo, waxaanu intaas raciyay, “Mudadii ay Baatrool yaraantu jirtay waxa la isticmaalayay Baatroolka HASS, waxna nagama ay kala go’in, qiimana maanu kordhin, haddana waxaaba yimid markab sida Baatrool, markaas dhibaato dambe oo baatrool yaraaneed la dareemi maayo inshaalah.”

Wuxuu shacabka ugu bushaareeyay in dhibaatadii ka taagnayd Baatrool yaraanta uu rajaynayo inay halkaas ku istaagto, “Shacabka farriintaas ayaan u dirayaa, waxaanan leeyahay Baatrool yaraan waad ka baxdeen oo HASS ayaa keentay.”