Wasiiradii La Casilay Oo Ka Hadlay Dareenkooda Xil Ka Qaadista

1
639

Siilaanyo11Hargeysa(Geeska)-Qaar ka mid ah xubnihii golaha wasiirada ee uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo shalay xilka ka qaaday, ayaa ka hadlay sida ay u arkeen go’aanka shaqada lagaga fadhiisiyay.

Xubnahan oo siyaabo kala gooni gooni ah uu Geeska Afrika, xalay wax uga weydiiyay dareenkooda, ayaa dhammaantood waxa ay ka sinaayeen inay sheegeen inay ku qanacsanyihiin xil ka qaadista lagu sameeyay, maadaama oo uu xilka qaranku meerto yahay.

Ugu horayn Wasiirkii hore ee hawlaha guud iyo guriyaynta Md. Ismaaciil Muumin Aare, oo uu Wargeyska Geeska Afrika, dareenkiisa xilk ka qaadista weydiiyay ayaa wuxuu yidhi, “Xilku waa meerto, maalintii lay dhiibayayna madaxweynuhu isagaa ii dhiibay waanu ku mahadsanaa, maantana isaguunbaa iga qaaday oo waa uu ku mahadsanyahay, haddii uu u arkay in laygu dhaamo taasi ceeb maaha oo xilku waa meerto, waa la badanyahay  suuqana waa la wada jooga afarta wasiirna uguma karti badna, ugumana aqoon badna, aqoon iyo kartiba dadkeenu waa ay buuxaan xilalkan waa ay u joogaan, wadan kaygiina waan jooga awalna waan joogay, hawlaha qaranka iyo kuwa umaddan halkaan  kaga jiray uun baan kaga jirayaa.”

Wasiir ku xigeenkii maaliyadda Md. Warsame Siciid Cabdi, ayaa isagu wuxuu sheegay inaanu ku farxin go’aankaas xil ka qaadista, balse inkastoo ay tahay markii koowaad ee uu qaranka u shaqeeyay uu haddana ku qanacsanyahay xil ka qaadista lagu sameeyay. “14-kii bishan 3-aad 2012, xilkii aan hayay ayaa layga wareejiyay, anigoo ahaa wasiir ku xigeenkii maaliyada, todabadii subaxnimo ayaa waraaq lay keenay, runtii haddaan idhaahdo kamaan naxin dee been baan sheegayaa, markaa waan ka naxay, hasa yeeshee waxa weeye wixii illaahay qadaro cid baajinaysaa ma jirto, wax walbana waa ay qoran yahiin, waa markii ugu horaysay ee aan umadda u shaqeeyay, dalkaas aan ku dhashay ee wax I baray ee aan ku barbaaray, markaas runtii jaanis wanaagsan bay ahayd markii horaan odhan jiray maruun hadaan umadda u shaqayn lahaa, waxbaan dib ugu celin lahaa, markaas jaaniskaas madaxweynuhu I siiyay aad iyo aad baan ugu mahad-naqayaa, go’aan madaxweynena dagdag laguma samayn ee waa wax muddo laga fakaraayay, markaa isagana si kalay isku tustay, hasa yeeshee wax walba waxa ka muhiimsan xilku waa meerto, si kasta aan uga naxee waan  ku qanacsanahay,  madaxweynaana waan uga mahad naqayaa janiskaas uu I siiyay ee aan dadkayga ugu shaqeeyay, waayo imika wareegii nolashaa’ii dhamaaday, waxaan u soo shaqeeyay meelo gaar loo leeyahay iyo shirkado waawaynba, waxase iga dhinaa intaas aan umaddayda gashanaayay, waayo waxaad umaddaada gashataa waa wax waligii jiraaya, waxaad kaligaa shaqaysataana waa wax adiga kula dhimanaaya. Markaas Somaliland Hajirto oo hajoogto.” Ayuu yidhi wasiir xigeenka, oo xalay u waramay Geeska Afrika.

Wasiirkii ciyaaraha Md. Cabdi Siciid Faahiye, ayaa isna yidhi  “walaal waa wax iska caadiya sunaha dawladnimada ayaana sidaas dhigaaya, qofku wixii uu qaban karaayo ayuu qabtaa, xilkuna waa meerto oo waxani wax cusub maaha, aniguna wax dhib ah uma arko.”

Comments are closed.