Wasiir Waxbarashada Oo Sheegtay In Heerka Luuqadda Carabida Ee Somaliland Uu Si Muuqata Kor Ugu Kacay

0
650

 

Picture6Hargeysa (Geeska/Aljazeera)- Shabakadda Aljazeera ayaa dhowaan baahisay warbixin uu wariye ka tirsani ka diyaariyey heerka luuqadda Carabigu ka taagan tahay Somaliland iyo weliba tayada aqoonta dhinaca luuqadda carabiga ee hadda jirta oo uu sheegay in ay si aad ah u korayso.  Warbixintu waxa ay sheegtay in rugaha kutubta iyo dugsiyada manhajkoodu Carabida yahay ay kaalin weyn ka qaateen kor u kaca luuqadda Carabiga ee Somaliland, laakiin waxa ay dhanka kalana sheegtay in ay jiraan caqabado luuqadda faafitaankeeda hortaagan oo ay ugu horrayso luuqadda Ingiriisida oo uu wariyuhu sheegay in ay dhiirrigelin ka hesho hay’adaha reer galbeeda ee jooga Somaliland oo ku shaqeeya luuqaddan.

 

Wariye Ashkar oo soo xiganaya wasaaradda waxbarashada ee Somaliland waxa uu warbixintiisan ku sheegay in qiyaas ah 60 kun ah ardayda ay wax ka bartaan dugsiyo hoose iyo sare oo manhajkoodu yahay luuqadda carabiga. Dugsiyadan oo sida la og yahay ku badan dhammaan magalaooyinka Somaliland ayuu wariyuhu si gaar ah, warbixintiisan ugu magacaabay kuwa ugu waaweyn ee ku yaalla magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Borama.

Wasiirka waxbarashada Somaliland, Marwo Zamsam Cabdi Aadan oo uu wariyaha shabakadda Aljzeera.net la kulmay ayaa u sheegtay in muddooyinkan dambe ay luuqadda carabigu si muuqata u korayso, arrintaas oo ay wasiir Zamzam u sibir saartay dugsiyada aasaasiga ah iyo kuwa sare ee manhajkoodu Carabida yahay iyo weliba maktabadaha kutubta iyo Manaahijta ka soo waarida dalalka carabta. Marwo Zamzam waxa ay dugsiyada manhajkoodu Carabida yahay ee ka jira Somaliland ku astaysay xoog cilmi ah oo ay ardaydu ka kasbanayaan dhowrsoonaan fikir iyo dhisnaan ay iskaga caabin karaan aragiyaha iyo luuqada ajaanibka ah ee ka jira dalka.

Wasiir Zamzam waxa ay Aljazeera.net u sheegtay in dugsiyada lagu barto luuqadda carabidu ay kaalin togan oo la taaban karo ka qaataan kor u qaadista wacyiga, aqoonta iyo cilmiga diinta ee shacabka, iyada oo sheegtay in caqabada ugu waaweyn ee dugsiyadaa haysta ay ka mid tahay iyaga oo aan wax gacan ah ka helin hay’adaha carabta iyo Islaamka ee ka shaqeeya dhinaca waxbarashada.

“Waxa aanu u baahannay in dadaal badan la geliyo sidii dhidibbada loogu taagi lahaa aqoonta carbeed, iyo in la dhiso nidaam iyo hab xooggan oo luuqadda carabida ka dhiga horyaal” ayaa ay tidhi marwo Zamzam Cabdi Aadan, wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland.

Wasiirku waxa ay si gaar ah u ammaantay kaalinta ay waxbarashada Somaliland ku leeyihiin dalalka Sudan, Masar iyo Yemen, iyada oo hoosta ka xariiqday in Somaliland ay u baahan tahay hay’ado waxbarasho in dalka loo soo diro oo aanay dalalkani ku koobnaan oo keliya in ay deeqo-waxbarasho siiyaan ardayda dhibcaha sare keenta imtixaanaadka. Iyada oo arrintaas ka hadlaysa waxaa ereyada wasiirka ka mid ahaa, “Haddii ay walaalahayaga Carbeed doonayaan in ay na gacan siiyaan oo ay na garab istaagaan, waa in ay xoogga saaraan sidii ay jaamacado iyo xarumo cilmi noogu dhisi lahaayeen, si ay midho wax-ku-ool ahi uga soo baxaan, waa in ay ka qayb qaataan sidii maxalli looga dhigi lahaa waxbarashada sare ee Somaliland”

Warbixintani waxa ay sheegtay in rugaha kutubtu ay qayb laxaad leh ka qaateen horumarinta luuqadda Carabida, waxa aanay magacowday qaar ka mid ah maktabahada ganacsiga ee kutubta luuqadda carabiga iyo kuwa Islaamiga ah u soo waarida Somaliland iyo Maktabadda Masaarida ee magaalada Hargeysa oo hoos tagta wasaaradda waxbarashada sare ee dalka Masar. Sida ay warbixintu sheegayso maamulka Maktabadda Masaarida Muxsin Rabiic Muxammed, Maktabaddan oo aan faa’ido doon ahayn waxa ay ka mid tahay maktabadaha dadweynaha kuwii ugu horreeyey Hargeysa, iyada oo la aasaasay horraantii lixdamaadkii.

Muxsin waxa uu sheegay in maktabaddu ay shaqada joojisay sagaashamaadkii markii dagaalladu ay dhaceen, xilligaas oo kutub badan laga fadhataystay, laakiin hadda ayaa ay dib u fureen, “Waxa aanu go’aan ku gaadhnay in aanu furno makhtabadda Aqoonta Islaamiga ah, si ay kaalin aasaasi ah uga qaadato faafinta luuqadda iyo aqoonta carbeed, iyo si ay u noqoto biriish isku xidha labada shacab” ayaa ka mid ahaa hadallada Muxsin.

Dhanka kalana waxa uu wariyuhu la kulmay hormuudka kuliyadda barashada Islaamka iyo luuqadda carabiga ee jaamacadda Hargeysa, Md. Cumar Bade Aadam oo sheegay in caqabadaha ugu waaweyn ee luuqadda carabiga hortaagan ay ka mid yihiin, taageero la’aanta, dadkii aqoonta u lahaa oo yar iyo ardayda ka soo qalin jabisa jaamacadaha iyo mac-hadyada Carabida ee Somaliland oo aan shaqooyin luuqadda ku helin.

Md. Bade waxa uu sheegay in xukuumaddu ay dadaal ugu jirto sidii ay u dejin lahayd qorshayaal xoojinaya luuqadda Carabida iyo in la helo manhajyo rasmiya oo xoogga saaraya dhinaca luuqadda carabida, “Waayo dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dhigaya in luuqadda Carabidu ay tahay luuqadda labaad ee dalka ee soo raacda luuqadda Soomaaliga” ayuu yidhi Bade isaga oo sheegay in luuqadda carabida aanay hay’adaha dawladdu siinin kaalintaa uu dastuurka dalku siiyey, oo luuqadda Ingiriisida muhiimadda la siiyo, “Laakiin sidaa uma dhacdo, oo waxa aynu arkaynaa luuqadda Ingiriisida oo xafiisyada dawladda ugu jirta halkii luuqadda koowaad ee dalka” ayaana ka mid ahaa hadallada hormuudka kuliyadda daraasaadka Islaamka iyo luuqadda carabida ee jaamacadda Hargeysa.