Jaamac-Odey Oo Laga Reebay Liiskii Baarlamaanka Somaliya Iyo Magacyada & Haybta Qaar Ka Mid Ah Xubnaha Somaliland Ka Tagay Ee Kuraasida Helay

0
578

Picture7Hargeysa(Geeska)-Guddiga Farsamada ee xulista Baarlamaanka dalka Somaliya, ayaa shalay soo saaray 202 xildhibaan, oo ka mid noqon doona baarlamaanka Cusub, waxaana ka dhiman 73 xubnood oo aan weli la dhammaystirin, waxaana Baarlamaanka cusub ka dhex muuqda shakhsiyaad tiro badan oo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland oo xorriyadeeda kala soo noqotay dalkaas Somaliya tan iyo sannadkii 1991, kuwaas oo halkaas u tagay danahooda gaarka ah iyagoon cidna metelin, islamarkaana ka soo horjeeda aayo ka tashiga umadooda.

 

 

Hase yeeshe shahsiyaadka u dhashay Somaliland ee ku guuldaraystay inay Baarlmaanka Somaliya ka mid noqdaan waxa ka mid ah agaasimihii hore ee wasaaradda maaliyadda Somaliland Mr. Jaamac Axmed Maxamuud (Jaamac-Odey) oo ay guddiga farsamada ee xulista Baarlamaanka Somaliya ka reebeen magaciisa liiska, kuna soo celiyeen dadkii gudbiyay iyagoo ka dalbaday inay soo bedelaan. Mr. Jaamac-Odey oo toddobaadkan Wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyay inuu ku biirayo Baarlamaanka Somaliya una digto rogtay aragtida Somali-weynta, ayaan si rasmi ah loo garanayn sababta Baarlamaanka looga reebay. Mar aanu xalay isku daynay inaanu Mr. Jaamac-Odey wax ka weydiino sababta looga reebay Baarlamaanka Somaliya ayaanay noo suurtogelin, waxase lala reebay haweenay magaceeda lagu sheegay Suuri Diiriye Carab oo kamid ah dadka asal ahaan ka soo jeeda Beelaha dhexe ee Somaliland.

Geeska Afrika, umay suurtogelin inuu helo magacyada iyo haybta shakhsiyaadkaas reer Somaliland ee ka mid noqday Baarlamaanka Somaliya, waxase aanu helnay xubnaha Beelaha Isaaq ee ka mid noqday Baarlamaanka cusub, kuwaas oo ka helay Baarlamaanka Somaliya 28 kursi, waxaanan  helnay magacyada iyo haybta 26 ruux iyo  laba la soo celiyay oo kala ah Jaamac-Odey (Habarjeclo) iyo gabadha la yidhaahdo Suuri Diiriye Carab oo iyana habarjeclo ah.  Waxaanay inta kale magacyadooda iyo haybtoodu kala yihiin:

C/lle Xaaji Cali Axmed (Ciise Muuse)

C/risaaq Daahir Maxamud (Arab)

Cabdalle Boss Axmed (Habaryoonis)

Jamaal Xasan Ismaaciil (Arab)

Khadar Biixi Caalin (Arab)

Maxamed Cabdi Xayir (Habarjeclo)

Xuseen Arab Esse Xayd (Ciidagale)