Akhri oo ha qoslin…!! Dhibta ay leedahay diinta oo si qaldan loo fahmaa: Kamaal Ahmed Ali

0
2025

 

Picture10Maalinta Carafa oo ah maalinta sagaalaad ee bisha Xajka (Dul-Xij) ayey diinteenna Islaamku sunnaysay in la soomo, waxa aanay culimadu isku waafaqsan yihiin in ay tahay maalin la soomo ta ugu fadliga badan. Soonka maalintan la soomo waxa uu Alle qofka kaga dhaafaa dembigii sannadkii tegey uu galay iyo dembigiisa sannadka soo socda. Haddaba beribaa nin reer baadiya ah oo aan soomanayn maalin ramadaan ay dadkii deegaankiisu qabteen. Si ay ugu geeyaan garsoorihii degmada oo loogu ciqaabo soon la’aantiisa.

 

Garsoorihii ayaa ninkii ku yidhi, “Waar Cadow Alle ayaa tahay ee, ma maalin Ramadaan ayaad ku dhiirratay in aad af-furnaato adiga oo aan wax cudur-daarkii sharcigu ogolaa ah haysan?!”

Ninkii reer baadiyaha ahaa isma dhibin ee waxa uu garsoorihii u sheegay in soon la’aantiisa maalintan Ramadaan uu xujo u haysto oo aanu dembi ka raacayn. Garsoorihii oo yaabban ayaa ka dalbaday bal in uu sheego xujada uu haysto ee u bannaysay in maalin soon ah isaga oo awoodaya uu af-furnaado.

Ninkii reer baadiyaha ahaa waxa uu yidhi, “Waxa aan maqlay Xadiis nebi Muxamed (SCW) laga soo wariyey oo sheegaya in qofka maalinta Carafa soomaa uu helayo ajar u dhigma qof hal sano soomanaa oo kale. Markaa carafadii sannadkii tegey ayaan soomay, taas macnaheeduna waxa weeye in sannadka oo dhan soonkiisii oo kale aan leeyahay, Ramadaanna waa ay ku jirtaa sannadka. Markaa maadaama oo sannadka oo dhan ajarkii soonka aan haysto, maxaan uga baahanay in aan bil ka soomo” Garsoorihii waxa uu gartay in ninkani uu haysto xujo cad, taas oo ah in diinta aan si fiican loogu sharrixin sidaa awgeedna uu jaahil ka yahay. inta uu sii daayey ayaanu u sharraxay in soonka sannadka u dhigma ee maalinta Carafa uu yahay soonka sunnaha ah ee qofku sannadka oo dhan uu soomanaan lahaa, balse aanu ahayn soonka faralka ah ee lagu leeyahay oo kan ramadaan ah, sidaa awgeedna waxa uu faray in uu qalleeyo maalmaha ka tegey ee Ramadaan.

2. Dembigii aan galay Lix bilood ha la iga dhaafo:

Fadliga Alle uu ina siiyey waxaa ka mid ah in qof maalin keliya soomay laga dhaafo dembiga oo sannad dhan galay, waa soonka sunnaha ah ee maalinta lagu magacaabo Caashuuraa’ oo ah maalinta tobnaad ee bisha Muxarram (Bisha koowaad ee Hijriyada). Sida ku cad xadiis uu soo wariyey asxaabigii weynaa ee Ibnu Cabbaas (Alle ha ka raalli ahaado isaga iyo aabihiiba), Nebiga (SCW) ayaa Madiina yimi, markaasuu arkay Yuhuuddii oo soomaysa maalinta Caashuuraa’, markii uu dadkii ka waraystay sababta ay u sooman tahay Yuhuudduna waxa loo sheegay in ay ku beegan tahay maalintii uu Alle (Subxaanahu) reer Bani Israa’iil ka badbaadiyey cadowgoodii Fircoon. Sidaa awgeed waxaa soomay Nebi Muuse (CS). Markii nebi Muxammed (SCW) warkaa loo sheegay waxa uu yidhi, “Haddaba aniga ayaa Muuse idinka dhow (Inaan ku daydo idinka mudan), waanu soomay” Haddaba sida ka muuqata qisada hoose, gabadh ayaa si qaldan u fahamtay macnaha iyo ajarka soonka maalintan Caashuuraa’.

Gabadhani waxa ay maqashay Xadiis uu Nebi Muxammed (SCW) ku sheegayo in maalintaas oo la soomo uu Alle qofka kaga dhaafo dembiyada sannadkii tegey oo dhan, kadib inta ay soontay ayaa markii maalintu ay kala badh marayso ay afurtay. Markii la weydiiyeyna waxa ay ku jawaabtay, “Maalin badhkeed ayaan soomay oo lix bilood dembigoodii uun ha la iga dhaafo”