Wasiir Warancade Oo Maxkamadaha Ku Eedeeyay Inay Shilimaad Ku Sii Daayaan Rabshad Wadayaasha La Soo Qabto

1
735

Picture7Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arimaha gudaha Cali Maxamed Warancade,ayaa maxkamadaha ku eedeeyay inay la shaqeeyaan dhalinyarada kufsiga iyo rabshadaha geysta,waxaanu sheegay in dhaqaale faro guud kood ah lagu soo daayo dhalinyaradaas, marka ay ciidamada Boolisku qabtaan.

Waxa uu wasiirka arimaha guduhu uu luuqad adag kula-hadlay waalidiinta dhashay dhalinyarada rabshadaga gaysata,waxaanu si adag ugu cel-celiyay in ay ka qaadi doonaan talaabooyin ad-adag, ugu danbayntana ay gaadhi doonaan in ay dhibaateeyaan ciidamada boolisku.

Waxa uu wasiirka arimaha gudaha Cali Maxamed Warancade sidan ku sheegay shir jaraa’id oo uu warbaahinta kula-hadlay  isaga oo ay hareero fadhiyeen,taliyayaasha ciidamada Booliska,Sirdoonka,Socdaalka,badhasaabka Hargeysa iyo Maayarka magaalada Hargeysa.

Wasiirka arimaha gudaha Cali Maxamed Warancade, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Dal waliba waxa uu ku dhisan yahay ama horumarkiisu uu la xidhiidhaa sida uu hadba u adkeeyo nabadgalyadiisa,waxaanu jecelnahay haddii aanu nahay gudida nabadgalyada inaan halkan bulshada reer Somaliland uga soo jeedino inay u dhaga nuglaadaan oo ay u feejignaadaan sidii ay u ilaalin lahaayeen nabadgalyadooda,sidii ay isaga ilaalin lahaayeen cadawga dibada iyo cadawga gudahaba.” Wasiirka oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi  “Hadda waxa soo baxay ciyaal yar yar oo habeenkii meelaha madoow iyo koonayaasha magaalada dadka waalidkood ah iyo hablahooda ku dhibaateeya ,waxaanu leenahay arintaasi way soo noqnoqotay,anigoo ka xun inaan halkan ka sheego boqolaal ayaanu qabanay dhalinyaradaas ah,waxaan aad uga xumahay in aan halkan ka sheego in ay dhalinyarada la shaqaynayaan maxkamadaheena qaarkood,oo dhalinyarada marka lagu soo xidho arimhahaas ama kufsi-ha ahaato ama amaandaro ay sameeyeen ha haatee in aanay habeen u hoyan jeelka oo xoogaa yar oo gacan maris ah laga qaado,dibna loogu soo celiyo xaafadihii iyo dadkii ay dhibayeen,taas runtii aad baan uga xumahay,wax sii socon karaayana maaha,waxaanu raali ka nahayna maaha,waxaanu u dulqaadan karaynana maaha, in dadkii dhibaatada loo gaystay uu xaakin si dhib yar ugu soo celiyo bulshada dhexdeeda qofkii gaystay,anaga ayaase ka wada hadli doona anaga iyo raga cadaalada ka taliya.”

Wasiirka arimaha gudaha Cali Maxamed Warancade,  oo la hadlaayay waalidiinta dhalinyarada rabshadaa gaysata waxa uu yidhi “Waxaan halkan aad uga adkaynayaa waalidiinta inanka ay maxkamadu hayn kari waydo ama xaakinku la necbaysto inuu ku sii jiro xabsiga,waxaanu ku badali doonaa aabihii ama waalidkii,oo aanu halkii inanka aanu galinaynaa haduu inaankiisa u taagwaayo,in-taanay arintu halkaas gaadhin in caruurta la edbiyo,in la ilaaiyo,wakhtigii ay wax baran lahaayeen inay dadka dhibaan maaha, talaabo adagna waa laga qaadi doonaa dhalinayradaas,waxay noqon doontaa marka danbe in aan loo arxamin, in boolisku dhibaato u gaysan karaabaa iman doonta,waxa iman doonta in aan cidna waxba laga waydiin-doonin cidii ay halkaas wax ka soo gaadho,waxaan jeclahay waalidiinta caruurta xun-xun dhashay  maaha waalidiinta caruurta wanaagsan dhashaye,kuwa edeb darada inay ka reebaan ay u suurto gali wayday in iyaga la edbin doono haddii ay caruurtooda edbin kari waayaan, intaanay halkaas gaadhina waxaan ku waaninaynaa inay ka celiyaan dhibaatada ay bulshada bku hayaan ee wa’laalahood,dadka jilicsan iyo hablahooda ay ku hayaan,aniguna waxaanu qaadi doonaa talaabo adag.”

Warancade oo la waydiiyay bal sida uu arko basaborka Somaliya ee ay joojiyeen waxa uu yidhi “Waxaan maqlayay Somaliya oo u dabaal dagaysay in Somaliland qaadatay basaborka Somaliya,waxaan leeyahay beenbaad u dabaal-degteen,mana jiro,laba dalna waynu kala nahay basabor ayaanu leenahay, sanadkani intaanu dhamaana E-basabor ayaanu doonaynaa inaan soo saarno caalamkana kaas ayaanu u gudbin doonaa haddii alle yidhaado,kaas ayaanan jecelnahay inaan dunida kula macaamilno waayo anagaa ka masuul ah,laakiin basabor lagu diro xawaaladaha oo dadka dariiqyada isaga talaabaya loo sii dhiibo, runtiina basaborka Somaliya maaha mid dawlad leh, kaasna basabor uma aqaano,dadka Somaliland basabor ayaanu gacanta ugu haynaa oo meelwalba ay ku tagi doonaan kan aan maanta haynana meelo badan ayaa lagu tagaa.”

 

Comments are closed.