Halkay Ku Dambeeyeen Mashaariicdii Horumarineed Ee Ku Jiray Miisaniyada 2013? Geeska Staff Writer

0
782

Picture6Hargeysa(Geeska)-Iyadoo ay dhawaan golaha wakiiladu ansixiyeen miisaaniyadda sannadka 2014, ayaa waxa soo baxaya macluumaad muujinaya qodobo horumarineed oo ku jiray miisaaniyadii  hore oo aan sidii ay xukuumadu u sheegtay u fulin.

Wasiirka maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa badhtamihii bishii March ee sannadkan u sheegay warbaahinta dawladda Somaliland in miisaaniyadda ay ku jiraan mashaariic kala duwan oo horumarinteed. Mashaariicdaas waxa ugu mudnaa in Basaborka Somaliland loo bedelo nooca loo yaqaan E-passport. Waxa kale oo ku jiray Damdamisyo la doonayay in loo soo iibiyo magaalooyinka waaweyn ee Somaliland iyo, qodob kale oo la xidhiidhay horumarinta waaxda dalxiiska ee wasaaradda ciyaaraha. “Waxaad la socotaan miisaaniyada sanadkan inay ku jirto mashaariic aad u badan, oo aanu ugu talogalay inay miisaaniyada ka muuqato, kuwaasi oo ah Mashaariic qiimo leh oo miisaaniyada sanadkan ku jirta oo aanu dhamaantood rejaynayno inay suurto geli doonaan, waxa ka mid ah in baasaaboorka Somaliland la bedelo oo E-passport laga dhigo, waxa kale oo miisaaniyada sanadkan ku jirta in aanu soo iibino Dabdemisyo sanadkan dhexdiisa iyo in Wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska gaar ahaana waaxda dalxiiska aanu jecelnahay in aanu maalgelino oo aanu wax la qabano, waxaanan doonaynaa in aanu meelaha ay aasaarta qadiimka ah ama taariikhiga ah ku duugan yihiin ee Somaliland wax laga qabto si ay noqdaan kuwo soo jiita dalxiiseyaasha caalamiga ah.” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Samaale horaanti sannadkan.

Hase yeeshe wax war ah lagama hayo halka ay ku dambeeyeen mashaariicdan horumarineed oo aanay waxba ka hirgelin, lacagtana loogu tallo galayna waxa lagu qiyaasayay dhawr milyan oo Dollar. Tusaale ahaan casriyaynta Basaborka Somaliland oo ah mid muhiim ah, waxa xilligaas ay wasaarada maaliyadu sheegtay in lagu bixin doono qandaraas la  baahin doono. Laakiin iska dhaaf qandaraas la baahiyee, shalay oo u dambaysay ayuu Wasiir Warancde sheegayay in la casriyayn doono Basaborka Somaliland, kaas oo ay dawlado dhawr ahi ka codsadeen Somaliland inay Basaborka u bedesho E-passport si loogu kalsoonaado.

Sidoo kale lacagtii miisaaniyadda ugu jirtay dhinaca dalxiiska gaar ahaan meelaha ay ku duuganyihiin aasaarta qadiimiga ahi, ayaa iyadana la isweydiinayaa, maadaama oo aan la ogayn wax casriyayn ah oo lagu sameeyay goobaha dalxiis ee dalka.   Intaas waxa dheer damdamisyada uu wasiirku hore u sheegay in la soo iibin doono sannadkan gudihiisa, iyagana wax war ah lagama hayo.

Si kastaba ha ahaate mashaariicdaas horumarineed  ee aynu sheegnay iyo kuwo kale oo ku jiray miisaaniyadaas 2013  ayaa ah kuwo laga sugayo inay wasaaradda maaliyadu umadda u sharaxdo halka ay ku dambeeyeen iyo sababaha ay u hirgeli waayeen maadaama oo ay ku jireen miisaaniyadaas dhammaadka ah. Runta oo la isu sheegaa maaha ceeb, laakiin aamusnaantu waxa ay abuuri kartaa doodo iyo shakiyo.