Taliska Booliska Oo Caddeeyay Inay Soo Qabteen Ninkii Dhawaan Rasaaseeyay Xildhibaan Qabile, Sharcigana La Horkeeni Doono

0
632

Picture8Hargeysa(Geeska)-Taliska ciidanka Booliska Somaliland ayaa xaqiijiyay in shalay duhurnimadii la soo qabtay eedaysane Tabaarik Maxamed Ducaale, oo loo haysto rasaas uu ku riday toddobaadkii hore xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan golaha wakiilada.

Taliyaha booliska Sareeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa Wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyay in ciidamo Boolis ah oo taageero ka helaya dadweynaha Dacarbudhuq ay qabteen ninkaas, “Waxaan u mahadcelinayaa dadweynaha deegaanka Dacarbudhuq oo Booliska gacan ka siiyay soo qabashada ninkan.” Ayuu yidhi Taliye Fadal, waxaanu intaas raaciyay in ninkaas sida ugu dhaqsaha badan loo horgayn doono maxkamadda.

Ninkan eedaysanaha ah, ayaa ka dib markii uu falkaas rasaasaynta ah ku sameeyay xildhibaan Qabile, wuxuu dhuumasho kaga baxay magaalada Hargeysa. Xildhibaan Qabile ayaa shirqoolkaas lala eegtay wuxuu ku xidhiidhiyay wasiirada warfaafinta iyo wasiir xigeenka amniga, isagoo sheegay inuu hayo cadaymo ku filan. Laakiin labada wasiir ayaa beeniyay. Xildhibaan Qabile ayaa ka tirsan xisbiga UCID, waxaanu si adag u naqdiyaa hoggaaminta Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa.

Falkan ayaa saamayn ku yeeshay gudaha Somaliland, waxaanu noqday falkii u horeeyay ee noociisa ah ee dalka ka dhaca tan iyo intii ay Somaliland xorriyadeed kala soo noqotay dalkii Somaliya. Sidoo kale wuxuu noqday mid ku cusub dhaqanka siyaasadeed ee Somaliland.