Wasiir Warancade Oo Ka Jawaabay Hadal Ka Soo Yeedhay Xoghayaha UCID

1
544

Picture2Hargeysa (Geeska) – Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa xafiiskiisa shalay kulan kula yeeshay Maayarada Magaalooyinka waaweyn ee dalka, waxayna ka wadahadleen qorshaha lagu hagaajinayo bilicda Magaalooyinka, kaasi oo bishii hore ku dhawaaqay wasiirka daakhiligu.

Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo kulankaasi ka dib saxaafadda la hadlay ayaa shacabka ka codsaday inay u diyaar-garoobaan ololaha kor loogu qaadayo bilicda Magaalooyinka waaweyn oo uu sheegay inuu dalka si rasmi ah uga bilaabmi doono 1-da bisha September ee fooda inagu soo haysa.

Wasiirka oo arimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Maanta (Shalay) waxaanu shirnay Maayaradii Magaalooyinka dalka, dadwaynaha reer Somaliland iyo ganacsatada waxaanu u sheegaynaa in la bilaabi doono ololaha iyo dib u hagaajinta bilicda Magaalooyinka Somaliland bisha soo socota kawdeeda haddii Alle yidhaahdo, sidaa daraadeed waxaanu ka codsanaynaa dadwaynaha in loo sii diyaar-garoobo sidii wakhtigaa loo bilaabi lahaa dib u hagaajinta bilicda, iyadda oo ay wada shaqeynayaan dadwaynaha hawsha ka qayb-galaya iyo dawladaha hoose ee Gobollada”

Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay “Waxaan doonayaa inaan halkan  ka sheego, waxyaabaha I soo gaadhgaadhaya wax ka mid ah oo dawladaha hoose caadadood tahay in murano badani ka yimaadaan dawladaha hoose oo aad moodo in tartan dhexdooda jiro oo had iyo jeer is qabqabsi fara badani uu yimaado, waxaan u soo jeedinayaa walaalahayga dawladaha hoose, haddii ay yihiin xildhibaanada iyo Maayarada, waxaynu bishan bilaabaynaa shaqo culus oo aynu waddankeena dib ugu hagaajinayno, markaa waxaan u soo jeedinayaa wixii xurgufo ah ee dhex yaala deegaamada dib ayaynu u dhiganaynaa, waxaynuna u guntanaynaa imika sidii aynu waddanka horumarkiisa uga shaqeyn lahayn, sidii aynu bulshadii ina soo dooratay u tusi lahayn inaynu dad dalka u shaqeynaya oo aan u soo shaqo tagin, waxaana nin walba lagu qiimayn doonaa haddii ay yihiin Madaxda deegaannada ama gobollada, nin walba sida uu uga shaqeeyo ama uga qayb-qaato ololahan ee uu kartidiisa u muujiyo” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “La isma dhex wadi karo qoob, qaylo iyo waxqabad, maantana qoob iyo qaylada dib ayaynu u dhiganaynaa oo waxaynu horeysiinaynaa waxqabadka, mudada hawlahaasi socdaan waxaanu doonaynaa oo aan farayaa dhamaan deegaanada in si wanaagsan oo wada shaqeyn ah oo walaaltinimo ah oo dadkoodu ku kalsoonaado inay u wada shaqeeyaan, wixii xurgufo ahna aynu dib u dhigano”

Wasiir Waran-cadde oo la waydiiyey in hawshani tahay shaqadii loo doortay dawladaha hoose isla-markaana ay jiraan ay Maayaro ka biyo diiday ayaa ku jawaabay “Anigu kamaan maqal deegaanada, laakiin Maalin-baan ka maqlayey nin UCID ka tirsan oo ka mid ah kuwa doonaya inay siyaasadda ka qayb-galaan, laakiin aan arkay inuu siyaasadda jaahil ka yahay, waa ayaan daro qofka shaqada ku soo socda oo aan garanaynba shaqadu waxay tahay oo wasiirka arimaha gudaha aan shaqadiisa garanayn, kaana (Xoghayaha guud ee xisbiga UCID) dadkaa arkaya, una malayn maayo inay dadku wax u dhiibanayaan kuwa caynkaasi ah”

Xoghayaha guud ee xisbiga UCID Mr Axmed Kayse, ayaa bishii hore markii Wasiirku soo saaray wareegtada la xidhiidha hagaajinta Bilicda Magaalooyinka sheegay in aanay shaqadii wasaarada arimaha gudaha ahayn isla-markaana Cali Waran-cadde qabanayo shaqo aan ahayn tii loo igmaday.

Comments are closed.