Maayarka Hargeysa Oo Dhagax Dhigay Jid Cusub

0
480

Picture1Hargeysa(Geeska)-Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay hal-Kilometer oo waddo ah, oo ay dawlada Hoose dhisi doonto,jidaas oo ka bilaabmaya Bariga Huteelka Maansoor ilaa Sheedaha,isla markaana ka hadlay qorshayaal isugu jira taabo-gelinta qorshe lagu xakamaynayo Qashinka iyo horumarinta jidadka Caasimadda Hargeysa.

Waddadan ayaa uu ku tilmaamay Maayarka Caasimadu inay wax weyn ka tari doonto quruxda iyo bilicda Caasimada Hargeysa.

Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo ka hadlayey wadada uu dhagax dhigay, waxa uu yidhi “Waxaan halkan ku dhagax dhigay Waddo hal Kilometer ah oo si rasmi ah dhismaheedu u bilaabmay,kana bilaabmaysa Barriga Huteelka Maansoor ilaa Sheedaha,oo ah waddooyinkii aan hore u balanqaadnay inaan dhisno.waxaanu dhignay camuudii insha Allaahu dhawaana way dhamaan doonta haddii ILAAHAY yidhaahdo.Dhismaha waddooyinku waxa uu  wax weyn ka taraya bilicda Caasimadda Hargeysa oo sii qurux badnaanaysa, sidaa daradeed waa inaanu gole ahaan xooga saarna sidii aanu wax uga qaban lahayn dayactirta iyo dib-u-dhiska waddooyinka Caasimada Hargeysa.

Duqa Caasimadu waxa uu sheegay inay maanta soo bandhigi doonaan waxqabadkoodii saddex biloodka Golaha deegaanka,waxaanu yidhi“Waxaanu maalinta berri (maanta) soo bandhigi doona waxqabadkayagii sadex biloodka ahaa wixii noo qabsoomay, iyo Laydhkii cadceeda ku shaqeynayey (Light Solar) ahaa iyo waxyaabo baddan iyo  waxyaabaha qorshaha noogu jira inaanu wax ka qabo".

Mar uu Maayar Cabdiraxmaan ka hadlayay Xadhkaha laydhka iyo telefoonada ee bilicda Caasimada foolxumada ku haya waxa uu yidhi“Xadhkaha Telefoonada waxaanu u saarnay guddi farsamo waxaanan leeyahay Shirkadaha telefoonadu waa inay dhulka hoostiisa marsadaan xadhkahooda oo aan lagu arag xadhig danbe oo dusha maraya Magaalada,maadama shirkaddaha laydhku gaadhayaan dhowr iyo toban shirkadood waa inay xadhkahooda nidaamsadaan.”

Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid waxa uu ku dooday in qorshaha dhow ay ugu jirto sidii ay u sii balaadhin lahaayeen jidadka magaaladda.“Waxa kale oo aanu fulin doonaa inaanu  mar mar dadku maraan dhigno jidka u dhaxeeya Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta illaa wasaaradda Boosaha.”