“Wasiirka Waxa Horkacayay Xildhibaanada UCID Ee Aanu Kala Afkaarta Nahay, Laakiin….”

0
3267

Picture2Gabiley (Geeska) – Maayarka degmada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse, ayaa ka hadlay war Wargeysyadu shalay ka baahiyeen, kaasi oo sheegayay in Maayarku hoolka dawladda hoose ka xidhay Wasiirka ganacsiga Maxamed Cabdilaahi Cumar oo doonayey inuu kula shiro odayaasha iyo waxgaradka degmada Gabiley.

Maayarka oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaarada arimaha gudaha Somaliland ee Hargeysa, balse xalay khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay Wargeyska Geeska Afrika, si uu arintan si faahfaahsan uga hadlo, ayaa sharaxay sababta keentay in hoolka dawladda hoose xidhnaado xili masuul dawladda dhexe doonayo iyo sidoo kale waxa uu uga qayb-gali waayay kulan wasiirku Jaamacadda Timo-cadde ee Gabiley kula yeeshay Madax-dhaqameedka iyo odayaasha Gabiley.

Maayarka oo arimahaa fasirayaana waxa uu yidhi “Wasiirku safarka uu ku imanayey Magaalada Gabiley ee aan odeyga u ahay iimuu soo sheegin, laakiin waxa ii soo galay qaar ka mid ah xildhibaanada xisbiga UCID uga soo baxay Gobolka Gabiley, markaa anniga oo jecel oo uu wasiirkaygii yahay, saaxiibkay yahay oo cid isaga kaaya dhawi aanay jirin ayaa haddana waxaan suureyn kari waayay u sheegid la’aanta aanu ii soo sheegin (inuu Gaboley imanayo), taana waxa ii dheerayd oo layaab igu noqotay xildhibaanada UCID ee aanu kala mabda’a nahay ee la socday iyo wasiirka xukuumadda ka tirsan ee wada socday, taasi ayaa isku kay qaban wayday runtii”.

Maayarku waxa kale oo uu si kooban uga hadlay sababta hoolka loo xidhay ama uu u xidhnaa markii uu wasiirku Magaalada Gaadhay “Ta hoolka marka laga hadlayo inanka furaha hoolka haya ayaa arin caafimaad u maqnaa” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo ka hadlaya sababta uu uga qayb-gali waayay kulanka wasiirku la yeeshay odayaasha Gabiley “Ta labaad sababta aan kulankii uu Wasiirku jaamacadda ku qabtay aan uga gaabsaday waxay ahayd wasiirkayagii ganacsiga ee Maxamed Cabdilaahi Cumar oo aan anigu ku tirinayey wasiirrada ugu culus (Xukuumadda) iyo xildhibaanada UCID u soo baxay oo aanu kala afkaar nahay, golahana aanu ku kala duwan nahay (Oo wada socd) xukuumadda iyo xisbiga UCID-na aanu ku kala duwan nahay oo hor-kacayey, nimanka furaha i waydiiyeyna iyagga ayay ahaayeen”

Maayarka degmada Gabiley oo la waydiiyey in markaa ka dib ay wasiirka is arkeen iyo inay dhameeyeen arintaasi ayaa ku jawaabay “Wasiirka waanu is-aragnay oo markii uu ka yimid (Kulankii hoolka Jaamacadda) ayuu iskii ii soo maray, xafiiskayga ayaanu wakhti ku qaadanay oo aanu aad u wadahadalnay, wasiirku wuu gartay inuu khaldan yahay waanu ka garaabay inaanu ii soo sheegin oo uu gaabisku xaggiisa ka yimid” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Wuxuu i waydiiyay sababta aan uga maqnaaday kulankii Jaamacadda, waxaanan u sheegay inaanu xildhibaanada UCID kala afkaar nahay, markaa wasiirka waanu isla saxnay khaladkii, waanuna dhamaynay, waxaanu isla garanay in Maayarka oo degmada ka wakiil ahi uu leeyahay nidaamka, haddii uu cid la kulmayo degmada annigaa ka maayar ah.”