Haweenkii Axmed Dhagax Ee Xisbiga KULMIYE Oo Ku Biiray Xisbiga Mucaaradka Ah Ee UCID

0
478

Picture2Hargeysa(Geeska)-Xisbiga mucaaridka ah UCID ayaa shalay munaasibad balaadhan ku qaabilay taageerayaal ku soo biiray, kana soo diga rogtay xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye.

 Taageerayaasan cusub ee ku soo biiray xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo shalay munaasibad balaadhan loogu qabtay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyinta xisbiga UCID oo uu hogaaminayo musharaxa madaxweynaha ee xisbigaaasi Jamaal Cali Xuseen, xoghayayaasha kala duwan ee xisbigaasi, siyaasiga Maxamed Xaashi Cilmi iyo masuuliyiin kal Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlay munaasibadan ayaa si gaar ah u soo dhaweeyey taageerayaashan cusub ee ku soo biiray xisbiga UCID waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “ Marka ugu horaysa waxaan aad  iyo aad u soo dhawaynayaa taageerayaasha  degmada Axmed Dhagax ee xisbiga UCID ku soo biiray, waxaanan leeyahay ku soo dhawaada xisbiga, degmada Axmed Dhagaxna waa degmada ugu muhiimsan degmooyinka somaliland waana meelaha laga istaadho somaliland iyo halganka dalka, xisbiga ay ku biiraana iyaga ayaa hadyo jeer shida, waxaanan rajaynayaa haddii ay xisbiga UCID ku soo biireen taageerayaasha degmada Axmed Dhagax inay qayb weyn ka qaadan doonaan xisbiga UCID.” Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID.

 Sidoo kale waxa uu sheegay musharaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen inay  todobaadyadii u danbeeyey ay xisbiga ku soo dhawaynayeen taageerayaal cusub oo ka  soo diga rogtay xisbiga Kulmiye iyo ururadii hadhay waxanu yidhi “Mudooyinkan u danbeeyey waxaanu xaflado balaadhan ku qabanay magaalooyinka Gebilay iyo Boorame kuwaas oo taageerayaal badani kaga soo biireen xisbiga UCID badankooduna ka yimid xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ee talada haya iyo waliba ururadii hadhay ee Dalsan, Xaqsoor iyo Rays, markaa kuligood waxaan leeyahay ku soo dhawaada xisbiga UCID.” Ayuu yidhi musharaxa madaxwyenaha ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen.

Sidoo kale Eng: Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ah siyaasiyiinta madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka somaliland oo isaguna ka mid ahaa marti sharaftii ka hadashay munaasibadan ayaa masuuliyiinta xisbiga UCID iyo hogaankooda kula dardaarmay inay ilaaliyaan cadaalada haddii ay ku guulaystaan talada wadanka, waxaanu tilmaamay in dhibaatada ugu badan ee maanta somaliland taalaa ay tahay cadaala daro iyo musuq maasuq lagu samaynayo dhaqaalihii umada ka dhaxeeyey.

Waxa iyana madasha ka hadashay Nadra Maxamed, oo ku hadashay magaca haweenka xisbiga ku biiray ee degmada Axmed Dhagax, oo sheegtay inuu xisbiga UCID yahay xisbi u qalma hoggaaminta dalka Somaliland.

Marwo Nasra Xaaji Cabdiraxmaan, oo ah madaxda xisbiga UCID ee wadanka Sweden oo iyaduna madasha ka hadashay ayaa sheegtay inay soo dhawaynayso haweenka tirada badan ee ku soo biiray oo ay sheegtay inay xoog ku soo kordhin doonaan xisbiga UCID.

 Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay xoghayahaasha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, xubno ka tirsan garabka haweenka ee xisbiga UCID iyo qaar ka mid ah taageerayaasha ku soo biiray xisbigaas kuwaas oo dhamaantood iska daba maray sida xisbiga UCID loogu han weyn yahay ee ay taageeradooda ula garab taagan yihiin.