Dr. Fadal Oo Si Kulul U Naqdiyay Siyaadda Dibadda Ee Xukuumada

0
629

Picture2Hargeysa(Geeska):-Xoghayaha arrimaha dibadda xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Dr. Maxamed Cismaan Fadal, ayaa sheegay in siyaasadii arrimaha dibadda ee Somaliland uu fashil aad u weyni ku yimi intii ay jirtay xukuumada Axmed Maxamed Siilaanyo, waxaana uu carabka ku dhuftay in maanta ay siyaasada arrimaha dibadu ay marayso heerkii ugu hooseeyey isla mar ahaantaana ay xukuumada jirta ay ka gaabisay in ay xidhiidho la samayso saaxiibo iyo dawlado dunida ah oo hore xidhiidh joogta ah ula lahaan jiray dawlada Somaliland.

Dr.Maxamed Cismaan Fadal, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlaayey magaalada Hargeysa, waxaana uu tilmaamay in ay ayaan darro tahay in madaxda hay’addaha caalamku ay iyaga oo wata illaalo gaar ah ay dalka yimaadaan, taas oo muujinaysa ayaa uu yidhi in ay isku soo aamini waayeen imaanshaha dalka Somaliland. Waxaana uu ugu horeyn ka hadlayaa halka ay maanta marayso siyaasada arrimaha dibadda Somaliland iyo sida oo kale maraaxilkii kala duwanaa ee ay soo martay mudadii ay xukuumadihii tan ka horeeyey ay ka talinayeen dalka Somaliland. "Dadka reer Somaliland mid walba waxa uu og-yahay siyaasada arrimaha dibaddu inay halbawle u tahay dawlad kasta oo dalkan la’keeno oo la soo doorto, waayo Somaliland dal la ictiraafay maaha, waa in ictiraaf loo doono. Wixii xigaa waa dadkuna iyagoo hawlahooda qabsada, markaa maanta waxay maraysaa dawlada Siilaanyo aad iyo aad baa dadkuna tacab badan u galiyey uguna han-waynaa loona filayey runtii oday ruug cadaaya oo intaas soo shaqaynayey oo caalamka xidhiidho ku lihi inuu albaabadii xidh xidhnaa inuu fur furi doono albaabadaa hortii waa la fur furay, wax badan baa madaxwayne Cigaal iyo madaxwayne Riyaale oo iskaga danbeeyeyba heer aad u sareeya ayey gaadhsiiyeen, Siilaanyo waxa la rabay inuu wixii oo iska salaxan uun uu halkii ka sii waddo, ayaan darro maanta waxaynu ognahay inaynu marayno meeshii ugu hoosaysay siyaasadeeda arrimaha dibadda Somaliland.”.Ayuu yidhi Md.Maxamed Cismaan Fadal.

Dr.Maxamed Cismaan Fadal oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi;“Marka hore siyaasada arrimaha dibaddu waa aamin, waa dawlado ku aaminay oo sirna isku aaminteen, waxna is waydaarsateen oo gacmo isdhaafay oo mustaqbal doonaysaan hadii Eebe idmaayo ama baayac mushtari wada yeelateen hadii aad daris tihiin ama siyaasada caalamka aad ka heshiisaan ama aad isku kalsoonaataan oo bari ka maalin jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ay xeerar idinka dhaxeeyaan oo aad iskaashataan, dawlada Somaliland way ka qaawan tahay, arda cidla ah bay ka taagan tahay, umadda reer Somaliland waxaad aragtaa lacagta jeebabka lagu guranayo ee lala cararayo waa lacagtii safaaradaha lagu samayn lahaa, waa lacagtii safaarada Koonfur afrika lagu samayn lahaa oo ah safaarada ugu wayn oo uu nin muctarif ah uu ina matali jiray oo EU-da iyo Afrikaba inoo soo xakameyey oo jamacadaha Africa ugu waa wayn inagu soo xidhay lagu eedeeyey ee la yidhi xogay shilimaada ayuu qaatay oo shilimaadkii lagala noqday, waa tii Suudaan markii la yidhi safaarad ha laga furo lacagta lagu cunayey qaydhinka, iyadoo safaaradii Kenya aynu ognahay ceebteeda oo ah halbawlaha iyo meesha caalamku joogo oo aynu ognahay in Siilaanyo gundihiisa ay ku burburtay, oo aynu ognahay in Jabuuti oo intaas inoo jirtaana aanay ina ictiraaf sanayn oo Baasaboorkeenii inaan lagu tagi karin”.

Xoghayaha arrimaha dibadda xisbiga Waddani Dr.Fadal, ayaa sida oo kale waxaa uu ka hadlay wareejinta la sheegay in dekada magaalada Barbera lagu wareejinaayo shirkad laga leeyahay dalka Faransiiska. Waxaana uu ka digay in iib lagu sameeyo dekadaas oo uu tilmaamay in ay ku xidhan yihiin kumanaan qof oo ka hela masaariifta ay nafahooda ku maarayn lahaayeen sida oo kalena ay  tahay il dhaqaale oo guud ahaanba dalka gudihiisu uu ku tiirsan yahay.

“Waxyaabo badan oo siyaasada arrimaha dibaddana khusaynaysa ayey faraha kula jiraan xukuumadani waxay faraha kula jiraan dekaddii Berbera oo ah naaskii umadda oo intaas iyo kumayaal dad ahi ay ka shaqo beelayaan, kumayaal kalena haday xoolo ka dhoofiyaan iyo haday bayac mushtari kale ka dhoofiyaan ba Somaliland ba shaqadeeda marka aad eegto aad moodo inay halbawle u tahay, waxaad moodaa in la’la dhuumanayo oo aad moodo in la leeyahay maqsino digtaatooriyad Carabtu ku xaraysato danta ay leedahay, dadkana markaas taa laga jeediyo oo lagu jeediyo guddoomiyaha mucaaradka, ayaa caafimaad u tagoo nin la kulmay.”.

Dr.Maxamed Cismaan Fadal, waxaa uu ug danbeyntii sheegay;“Waxa laynaga jeedinayaa waxa la qarsanayo ee qudhun ka ah ee dadka lagala dhuumanayo ee dawlad laba bilood u hadhan tahay doonayso inay saxeexdo umad masiirkeedii dhamaa ee ay waligeed ku soo noolayd, waxa taasi ka sii daran fashilaada kaga timi hay’adihii caalamka oo sida haada dul-taagan kana illaalinaaya inay marin habaabiyaan masiirkii umadda oo ay iska kordhistaan oo ay cunaan hantida Umadda, waxaana ay ayaan darrada ugu wayni ay tahay in la isku soo aamin la’ yahay, fashilka ugu weyn ee siyaasadii arrimaha dibadda cadayn u ahi waxa weeye, iyada oo madaxdii hay’addaha caalamka ee Somaliland imanayaa ay illaalo gaar ah soo ka xaysanayaan.”.Ayuu yidhi Dr. Maxamed Cismaan Fadal.