Wasiir Samaale Oo Ku Biiray Codadka Cadaynaya In Madaxweynuhu Murashaxyahay

0
644

samaaleHargeysa(Geeska)-Wasiirka maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa isna ku biray codadka dhaadheer ee beeninaya in Madaxweyne Siilaanyo ka hadhay tartanka doorashada dambe ee madaxtooyada.

Wasiir Samaale, oo shalay hadal ka jeediyay kormeer uu ku tagay jidka Allaybaday, wuxuu sheegayin Madaxweynuhu murashaxa xisbiga KULMIYE ee doorashada dambe ee madaxtooyada.  “Madaxweynaha Afkiisa waxaynu ka haynaa in uu sharaxan yahay, kuwii beenta ka sheegay wali waxay sii wadaan beentii,” ayuu yidhi Cabdicasiis Samaale.

Wasiir Samaale waxa uu sheegay in uu Madaxweyne Siilaanyo u xushay xukuumaddiisa Wasiirro wanaagsan oo mudadii uu xilka hayey ka soo baxay shaqadii loo dirtay, kuwaas oo ku shaqeeyey Horumarka iyo wax-qabadka wanaagsan ee uu Taariikhda ku galay, isagoo sheegay in Madaxweyne Siilaanyo hore-na taariikh wanaagsan u soo sameeyey imikana ku khatimayo. “Haddii Aanu Madaxweynaha haatan tallada dalka hayaa aanu joogin, waddo lama hawaysteen, Miyaa la hawaysan lahaa? Awal maxaa loo hawaysan waayay. Sideed sannadood ayay xukuumaddii UDUB dalka ka tallinaysay wadada Boorame iyo Hargeysa siday ahayd waad ogaydeen shacbiyoow wadadaasi waa la dhameeyay waxaana dhamaysay xukuumadda maanta joogta. Waddooyinkaasi maanta wada bilaabmayna ILAAHAY idinkii inta uu tallada wadanka hayo Madaxweyne Siilaanyo  ayay  wada dhammaan doonaan,”ayuu yidhi Wasiirka maaliyadu, waxaanu intaasi ku daray “Wadadan Gabiley illaa Allay-baddey way kooban tahay oo dhakhso ayay u dhammaan doontaaye’, jidka Ceerigaabo ayaa dhammaan doona haddii ALLE yidhaahdo wadooyinka waqooyiga Hargeysa,Sallaxley,Baligubadle ayaa dhammaan doonta.”

 Wasiir Samaale waxa uu Madaxweyne Siilaanyo u baryey in uu Cimriga u dheereeyo isla markaana uu bulshada Reer Somaliland uga tago midho wanaagsan, waxaau daadifeeyey kuwa dhaliila waxqabadkiisa oo uu sheegay inay ka been sheegayaan inta uu qabtay.

Wasiir Samaalle waxa uu xusay Madaxweyne Axmed Siilaanyo in uu goboladda Barri ka bedelay lacagtii Giimbaarta ahayd, dakhliga Dalkana kor u qaaday, iyadoo waxaas oo dhami ay ku yimaadeen dedaalka iyo daacadnimada Wasiirrada uu u xushay Golihiisa Wasiirrada.