Guddoomiye Cirro Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Inay Muddo Kordhin Ka Shaqaynayso Iyo Inay Shaqadii Ka Joojisay Gudiga Doorashada Si Doorashadu Dib Ugu Dhacdo

0
715

cirrrr2Hargeysa(Geeska):-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland sida oo kalena ah guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa xukuumada ku eedeeyey in ay ka shaqaynayso sidii ay muddo kordhin u samaysan lahayd, waxaanu xukuumadda ku eedeeyay inay shaqadii ka joojisay guddigii doorashada.

Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa hadalkan ka sheegay munaasibad balaadhan oo Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI uu ku soo dhawaynaayey magaalada Gabiley taageerayaal aad u tiro badan oo ka soo digo rogtay Xisbiga Muxaafadka ah ee WADDANI,waxaana uu sheegay in Xukuumadu ay muddooyinkii danbe marwalba ay ka baxaysay heshiisyada ay sida wada jirka ah u galeen Axsaabta Mucaaradka,Xukuumada iyo Komishanka Doorashooyinka.kuwaasi oo uu sheegay in ay marag kac ka yihiin in Xukuumadu ay waddo muddo kordhin.

 “Xisibiga talada hayaee KULMIYE  waxa uu sida fiinta uga qaylin jiray xiligii uu mucaaridka ahaa muddo kordhin. Hayse yeeshee, talaabooyinka ay xukuumaddu qaadeysay mudooyinkan dambe waxay u muuqdaan talaabooyin loogu talo in dib u dhac ku yimaado waqtiga qabashada doorashooyinka si ay u timaado muddo kordhin. Talaabooyinkaas waxa ka mid ah,In xukuumaddu mar keliya ka baxdo heshiiskii ahaa in diiwaan gelinta madaniga iyo diwaan gelinta Codbixiyeyaasha ( Dual Track) kala madax banaanaadaan oo laga shaqeynayey muddo sanad iyo badh ah,Arrintani waxay fajaciso ku nooqtay deeq bixiyeyaasha Somaliland ka caawiya geedi socod dimquraadiyadda.In wax ka bedelkii  iyo kaabistii xeer Lr 37/2007 Xeerka diiwaan gelinta codbixiyeyaasha  ee Guddida Doorashooyinku u Gudbisay Madaxtooyada June 2014 si ay qabsoontu diiwaangelinta codbieyeyaashu  iyada oo lagu kordhiyey nidaamka BIOMETERIC oo muwaadinka laga qaadayo sawirka indhaha, xukuumadu daaqadda ayey ka tuurtay,Iyada oo xukuumaddu shaqadii si badheedh ah uga joojisay Guddida Doorashooyinka Qaranka een weli muddo xileedkoodu dhamaan iyo wakiilada axsaabta ee la shaqeyn jiray komishanka  si waqti badan oo shaqo la qaban lahaa u lumo,Iyada oo xukuumaddu culeys baladhan saartay Golaha Guurtida inaan la ansixin wax ka bedelka iyo kaabista xeerka diiwaan gelinta codbixiyeyaasha , Golahana fasax la geliyo, taas ood shalay kala socoteen qalabka warbaahinta. Arrimahaasi waxay marag cad ka yihiin in xukuumaddu ka shaqeynayso muddo kordhin”Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Cirro.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Cabdiraxmaan Cirro oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu ka hadlay mawqifka uu Xisbiga WADDANI ka taagan yahay in muddo kordhin la sameeyo,waxaana uu carabka ku adkeeyey in aan Xisbiga WADDANI marnaba ogalayn in muddo kordhin la sameeyo,waxaana uu yidhi:“Isbedelka taban ee shacbiga doonayaa wuuxuu ku iman karaa doorashooyin u qabsooma si xor oo xalaal ah oo nabadgelyo ah. Golaha Wakiiladu si uu shacbigiisa ugu cadeeyo in qabsoomida doorashooyinka waxaad  la socotaan in Goluhu  soo saaray go,aan gole oo ah in doorashooyinka madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada isku mar la wada qabto si culeyska looga dul qaado shacbiga. Waxaad kale oo ka warqabtaan im Madaxweyne Silaanyo khudbad sanadeedkiisa ku cadeeyey inaan loo kordhin doonin hal maalin doorashooyinkuna waqtigoodi ku qabsoomi doonaan.Mowfika Xisibiga WADDANI waa in doorashooynku ku  qabsoomaan xiligooda lagana ilaaliyo wixii caqbado iyo hagar daamooyin ah.  Muddo kordhin Xisbigu sinaba uma ogola. Sinaba uma ogola. Sinaba uma ogola”.

Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxaa uu sida oo kale uu sheegay in wali aan Xukuumadu Golaha Wakiilada u soo gudbin warqadii Caafimaadka iyo Dambi la’aanta ee Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland,si baa uu yidhi uu golahu uga hawl galo shaqadiisii dastuuriga ahayd.

“Komishankii hore wuxuu mudan yahay amaan, qadarin iyo tixgelin. Xisbiga WADDANI si weyn buu ugu mahad naqayaa Komishanka hore, kan cusubna si weyn buu u soo dhaweynayaa kalsoonidiisana wuu siinayaa.weli xukuumadu Golaha uma soo gudbin CV-yada, warqadda Caafimaad iyo dembi la,aanta, oo xeerku ka rabay xubnaha cusub, in kasta oo qalabka warbaahinta ka maqasheen in Golaha Wakiilada loo gudbiyey usbuuc ka hor. waxaa Goluhu diyaar u yahay inuu waajibkiisa ka guto arrintan marka qabyada ay xukkumaddu soo dhamys tirto”Ayuu yidhi guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland

Md:Cabdiraxmaan Cirro waxaa uu sida oo kale uu Xukuumada ugu baaqay in aanay sas ka qaadin shirka ay wadaan qaban qaabadiisa qaar kamid ah dhalinyarada Somaliland ee loo qabanaayo dhalinyarada Somaliland,waxaana uu carabka ku dhuftay in arrimaha caynkaas oo kale ah ay mudan yihiin in la taageero.

“Beryaha waxaynu qalabka warbaahinta kala soconay dhallinyaro ku baaqday inay qabanayaan shirweynaha Dhallinyarada Somaliland. Arrintaasi waxay mudan tahay in la taageero waayo waxaa lagaga bixi karaa shirarka aan maalin kasta maqalo ee Beelaha.Inay cidina sas ka qaado looma baahna. Xisbi ahaan arrintaas waan soo dhaweynayaa waanan taageeraynaa. Waan inaan badina shirarka qaybaha bulshada  ee reer Somaliland sida haweenka iyo ururada mihnadlayaasha”Ayuu yidhi guddoomiye Cirro

Md:Cirro waxaa uu sida oo kale uu sheegay in Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Md:Axmed Siilaanyo ay muddooyinkii danbe tacadiyo badan ay u gaysatay Saxaafada isla mar ahaantaana ay wali xayiran yihiin wargeysyadii madaxabanaana ee ka soo bixi jiray Magaalada Hargeysa,waxaana uu sheegay in arrintaasi ay saamayn badan ku leedahay xidhiidhka ay Somaliland la leedahay Caalamka iyo Ictiraaf helista Somaliland.

“Xukuumadeenu waxaad ka warqabtaan inay tacadiyo badan u geysatay Saxaafadda oo ay weli xayiranyiin HUBAAL iyo HAATUF.Saxaafadda xorta ah iyo xuquuqul insaanku waxaa foodhadh lagu qiyaaso dalalka dhamaantood, arrintani saameyn badan bay  ku leedahay xidhiidh Somaliland la  a leedahay caalamka iyo ictiraafka helista Somaliland”Ayuu yidhi guddoomiyaha WADDANI

Ugu danbayntiina waxaa guddoomiyaha Xisbiga WADDANI uu iftiimiyey u jeedooyinka loo sameeyey Ciidanka RRU-da in loo adeegsado,waxaana uu sheegay in loo abuuray in lagula dagaalamo Argagaxisada balse aan loo abuurin baa uu yidhi loo adeegsado shaqo aan loogu talo galin.

“Waa ciidan loo abuuray in lagula dagaalamo argagixisada. RRU waa in loo adeegsan shaqo aan loogu talo gelin. Waa inuu noqdaa ciidan la saaxiib ah shacbiga, oo aan shacbiga cabsi gelin,waa inaan loo adeegsan dhallinyarada Gabiley, Wajaale iyo meel kale toona, haddii loo adeegsado waxay ka hor imaneysaa ujeedadii ciidankan loo abuuray”Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Cirro.