Xukuumadda Oo Sahra-halgan U Diiday Inay Qabato Xuska Shuhaada SNM

0
519

halganHargeysa )Geeska)-Fanaanada caanka ah ee Sahra Axmed Maxamuud (Sahra Halgan) oo kana mid ah Haweenka tirada yar ee ka soo qeyb qaatay halgankii dib u xoreynta dalka, kana mid ahayd Ururkii SNM oo ay magaca Sahra-halgan ku heshay ,ayaa sheegtay in Wasaaradda Arrimaha Guddaha, gaar ahaan Wasiir ku xigeenka Amniga ay ka heshay warqad digniin ah oo loogu hanjabayo, loogana digayo inay qabato Munaasibad ay iyadu iskeed u soo qaban qaabisay oo ay doonayso inay ku xusto Maalinta Shuhadada SNM, oo ku beegan beri. Sahra Axmed Maxamuud (Sahra Halgan) oo Shir jaraa’iid ku qabtay Xalay Xarunteeda Hida Dhawr, ayaa ayaan daro ku tilmaamtay in dalkii ay u soo halgantay  lagu cabudhiyo, oo loogu hanjabo in Askar la dul dhigi doono haddii ay Munasibadaas qabto, waxayna hadalkeedii ku bilawday

“Waxaan nasiib u helay Sodon Sanno ka bacdi, in meel aan leeyahay oo aan masuul ka ahay in aan ku xuso Sodon guuradii Mujaahidiintii dalkan u soo halgantay, waxaan doonayey in aynu xasuusnaano Raggii suurtageliyey in aynu Maanta Shirkan jaraa’iid la qaban karo, waa xil aan keligay isa saaray haddii aan Sahra Halgan aan ahay, Magacan dhayal la iguma bixin,  qori afkii ayaan kala soo baxay , ee ila joogay ee Mujaahidiinta ahaa, waxa waajibka I saaran ee Muwaadinimo yahay in haddii la iloobay oo xusi waayey in aan xuso,waxa aan ka xumahay iyada oo meel walba oo Somaliland ka mid ah qof walba ku xusi karo, oo isaga dareenkiisa gaarka u ah uu ku xusi karo, in warqad la ii keeno oo la igu yidhaahdo Sahra Halgan Warqadani waxa ay kaaga timid, Wasaaradda  Arrimaha Guddaha qeybta Amniga, Albaabku cid walba uu u furnaa ama Sooyaal ha ahaato ama Mujaahidiin Sooyaal ahayn ha ahaato, cid walba oo Sooyal ah iyo cid walba oo Muwaadiin Somaliland ah oo danaynaysa Raggii Wadankan u soo halgamay ee u dhintay”. Sahra Halgan oo iyadu Shirkaas jaraa’iid ka ahkriday warqadii uga timid Wasaaradda Arrimaha Guddaha ayaa tidhi “Warqadani waxa ay ka socotaa Jamhuuriyada Somaliland,Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Xafiiska Wasiir ku xigeenka Amniga, waxa ay ku socotaa Hido dhawr, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Amniga Jamhuuriyada Somaliland,ujeedo qabashada Xuska Shuhadada, sida aad og tahayba, waxaan ku sheegaya, in Xaflada Xuska Shuhadada Ururka SNM ay Maamulkeeda iyo qaban-qabadeeda, ay xaq u leeyihiin Madaxda Xafiiska JMC Sooyaal. Haddaba waxaanu kula socodsiinaynaa inay Madaxda JMC Sooyaal, Xuska Shuhadada Sooyaal ay ku qabanayaan Mansoor Hotel, markaas waxaan kula socodsiinaynaa in aan Hotelkaaga lagu qaban karin wax Xaflad ah oo ku saabsan Xuska Shuhadada Ururka SNM, waxa ku saxeexan Cali Maxamed Cali Wasiir ku xigeenka”. Sahra Halgan oo hadalkeeda sii wadata ayaa tidhi “Haddaba waxa aan leeyahay marka uu leeyahay sida aad og tahayba, waxa aan ku sheegaya ayaa  uu igu yidhi in Xaflada Xuska Shuhadada SNM, qofka uu u sheegaya waayo, aniga Sahra Halgan ayaa la yidhaahda, Raggan aad sheegayso ee Wadankan u dhintay, qaarba aniga oo Dumar ah gacantayda ku aasay, ku lugta la gooynayo ayaan Madaxa hayey,  ku la dhayayo ayaanu Macawiis inta aanu u goygoyno ayaanu ku dhayi jirnay, halkuu joogay, markaas markii aan Maanta fursad helay, anigu cidna albaabka uma diidin, walaa Sooyaal ayaan u diidin, walaa Mujaahid  ayaan u diidin, markaas Raggan Wasiiradda isku sheegaya, anigu Wasiirba uma haysto in aanay naga siyaasadayn Maalinta Shuhaahada, waxaana u sheegaya beri Sagaalka subaxnimo in albaabkaygu u furan yahay   qof walba oo Muwaadiin reer Somaliland ah,   oo garanaya Raggii u dhintay ee silica, dhibka, xanuunka, darxumada iyo gaajada ay u soo mareen sidii dalkan loo xorayn lahaa, Maalinta Mansoor lagu qabanaya waaba mid aad u qurux badan, oo Guriga Shaqaalaha ayaa lagu qaban jiray, Mansoorna waxa lagu qabtay malaa Sahra Halgan ayaa meel u sameeynaysa, darajo inoo korodhay inaga oo Mujaahidiin ah aad ayey u qurux badan tahay,Sooyaal waxa aan leeyahay yaan la idinka siyaasadayn, laakiin haddii aad tihiin qaar dhul jiif iyo dagaal sukeeye ku dhaawacmay wax ha isku khaldina ayaan leeyahay, Mujaahidiinta Magaca u ilaaliya, haddii aad xilkoodii aad haysaan, balse haddii aad tahay Mujaahid sax ah, oo garanaya dhibkii iyo xanuunkii dalka loo soo maray, maad I soo dacweysan aniga oo ah Sahra Halgan, oo imaad tidhaahdeen yaanay Sahra Halgan qabanin Xuska Maalinta Shuhadada,oo waxaad odhan lahayd “Walaal Sahra maxaanu kula qabanaa”, waar shilin idinka dooni maayo,  oo Hool idinka dooni maayo, oo waxa la cuno idinka dooni maayo, waar haddii aan is xilsaaray ma in inta la ila soo hadlo la igu yidhaahdo Askar ayaa lagu soo dul dhigayaaba, waa ceeb, waana wax aan aduunyada lagu maqal, waxa aan aniga iyo intii Wadanka u soo halgantay naga weydeen ILLAAHAY ayaad ka heli doontaan”. Sahra Halgan ayaa iyada oo hadalkeedii sii wada ayaa tidhi “Aniga ayaa soo qaban qaabiyey, Shilin Hido Dhawr leedahay kumuu bixin, xoogayga ayaan ku soo diyaariyey, aniga ayaa is xilqaamay, aniga ayaa  og xanuunka qaar soo maray,oo Lugaha Miishar lagaga gooynayo, oo Wadankan u soo halgmay, oo Dhiig bax awgeed u dhintay, waan ogaa waana la socday, waana ag joogay, anigu Sooyaal umaan diidin oo maan odhan ha qabinina, laakiin in la yidhaahdo ma qabanaysid maan filayn, in la igu hambaliyeyo oo waad is xilqaantay oo waad ku mahadsan tahay ayey ahayd, in marka aan is xilqaamay la igu yidhaahdo, Askar ayaa lagu soo diraya, Warqadna waa lagu soo diro, garan maayo Wasiir ku xigeenkane waa ceeb iyo fadeexad, waana wax laga damqado, waayo maxaan Siyaad Bare shalay ku diiday, waxaan ku diidayey Cabudhintaas, oo Saxaafadii ayaa la cabudhinayaa ee aniga oo Sahra Halgan ah oo Wadanka u soo halgmay oo wax gashaday, oo dhalinyaranimadaydii gashaday, oo Ragga Madax aan hayey ee lugaha la gooynayey gashaday, oo ka aan aasaayey gashaday, oo ka aan u heesayey ee aan dhamacda ku guraayey  gashaday, markaas haddii Xuskii la diido garan maayo halka lagu wado Meehan, lakiin waxyaabaha qaar ayaan la siyaasadayn, ee waxaan ka codsanaya dhimashada Nin Wadankiisa u soo dhintay, Xisbiyada Mucaaradku ahi iyaga ayaa Mucaarid ah, waana dawli, laakiin halkan waxa lagu xusaayey Nin dhintay oo suurtageliyey waxa la isku haysto,markaas Mucaarid iyo Muxaafidtoona may lahayn,waxa ay ahayd oo qudha in la xuso Raggaas dhintay, laakiin haddii ay ka dhex arkaayaan Sahra Halgan waxa ay ku biirtay Xisbiga Waddani, Maskaxdaydu maaha maqal la ila ileehay, Xisbiga doono ayaan ku biiri kara, laakiin markii aan Shalay dhamacda ku guraayey Xisbi kumaan jirin, markii aan dhayaayey maan Xisbi kumaan jirin, waxaan ahaa SNM, markaas Somaliland may jirin ee waxaan ahaa muwaadin Somaliyeed oo xuquuq raadinaya, oo Xuquuqda Maanta la ii diidayo raadinaya ayaan ahaa”