Wasiir Sacad Oo Ka Hadlay Cadadka Lacageed Ee Ku Baxaya Jidka Berbera Ilaa Wajaale Iyo Cidda Bixinaysa

29
3324

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali
Shire, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in la bilaabo dhismaha jidka
isku xidhaya Berbera iyo Wajaale oo muhiim u ah dekedda Berbera.

Wasiir Sacad, oo u waramay wargesyska The reporter ee ka soo baxa
Addis Ababa, wuxuu sheegay in ilaa hadda lacagta ku baxaysa dhismaha
jidkaas oo dhan 90 milyan oo dollar ay bixinayso dawladda UAE, laakiin
uu rajo ka qabo in Midowga Yurub iyo Ingiriisku ka qayb galaan.
Wasiirka oo la weydiiyay inuu ka waramo halka uu dhismaha jidkaas ee
Berbera iyo Wajaale marayo ayaa yidhi “Jidka isku xidha Berbera iyo
Wajaale waa la horumarinayaa. Imikaba, shirkad ayaa loo xushay inay ka
shaqayso nashaqada. Way gabagebeeyeen xog ururinta qaabka jidka. Marka
taas la dhammaystiro qandaraaska dhismaha jidka ayaa la baahinayaa.”

Wasiirka waxa la weydiiyay bal cadadka lacagta dhismaha jidkaas lagu
qiimeeyay inuu yahay boqol milyan oo dollar, waxaanu yidhi “Ilaa hadda
90 milyan oo dollar weeye, laakiin waxay ku xidhantahay xaaladaha oo
isbedeli karia.” Ayuu yidhi Sacad.

Mar la weydiiyay inay Itoobiya ku lug leedahay dhismaha jidka Berbera
iyo Wajaale, oo ay ka qayb galayso wuxuu yidhi  “Imika, lacagta la
sheegay waxa bixinaya UAE, waxaanu rajaynayaa in Midowga Yurub ka qayb
qaadan doono, sidoo kale Ingiriiska ayaanu rajaynayaa inuu mashruuca
ka qayb qadan doono, haddii aanay intasi ku filnaan, Itoobiya ayaanu
weydiisan doonaa inay ka qayb qaadato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here