Nuxurka Codsi Kulan Ah Oo Uu Cabdilaahi Jawaan U Gudbiyay Madaxweyne Biixi

37
3817

Hargeysa (Geeska)-Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyihii ugu horeeyey ee
Komishankii ugu horeeyey ee Somaliland,  Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar
(Cabdilaahi Jawaan), oo isagu lahaa astaanka Somaliland ee kafada iyo
miisaanka, ayaa Madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay inuu u aqoonsado,
halka uu sidoo kale ka codsaday  inuu sii daayo Sheekh Aadan Sune iyo
Dhalinyaradii la xidhnayd, waxaanu xusay inuu muddo toban bilood ah uu
rabay inuu Madaxweynaha si uu ugala hadlo arimo badan oo ay ka mid
yihiin xaalada uu dalku marayo, lakiin aanay wali suurtagalin.

Guddoomiyihii ugu horeeyey ee Komishankii ugu horeeyey ee Somaliland,
Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan), oo u waramay
Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay dagaalkii dhimashada
iyo dhaawaca sababay ee dhexmaray labada Beelood ee ka dhacay Dhoomay,
waxaanu si gaar ah baaq ugu diray Xukuumadda, Ciidanka iyo
Madax-dhaqameedka Beelahan, waxaanu ugu baaqay in si deg deg ah in loo
soo af jaro colaada labadan Beelood, waxaanu ugu horeyn uu yidhi ‘Waa
maqaadiir aad iyo aad u fool xun, aad iyo aad baan uga naxay, waa arin
soo jiitantay, oo soo noq-noqotay, imikuun bay ahayd Somaliland,
Madaxdeedu, Culimadeedu, Wax-garadkeedu, Guddoomiyaha Barlamaanka iyo
Wasiirka Arrimaha Gudduaha, ay isku dhaariyeen, gacantana isku
saareen, haddana waa taas bilaabatay, aad baan uga naxay, wax kalena
odhan maaye, ee dhiigaas daadanaya if iyo akhiraba waad ku seegaysaan,
oo adduunka dhibaato ayaad ku mutaysanaysaa walaalka dil, oo waad ku
garab waayeysaa, akhirana waad ku cadaab mudanaysaa, waxaan leeyahay
dagaalkaas joojiya, oo caqliga wanaagsani ha shaqeeyo, dagaal wiil baa
ku dhintee wiil kuma dhasho”.

Mar uu ka hadlaayey sababta uu arko in dagaalka labadan beelood uu soo
noq-noqdo ayaa yidhi “Anigu waxaan u arkaa meesha uu xakamuhu ka
xidhmi waayey, inay tahay Madaxdii Dhaqanka, ee beelahaas oo aan dhex
joogin, gaar ahaan garaadadii iyo boqoradii, shalay waxaan arkaayey
laba nin oo Wasiiro ah oo Garoowe ka hadlaaya,oo leh Somaliland baa
fidnada dabada ka wada, waxaan leeyahay yaan la siyaasadayn, waa dad
walaalo ah, waa dad isku dhintay, ee ha loo gurmado, iyada oo buuq iyo
siyaasad midna la soo galin, waxaan leeyahay Somaliland Ciidamo ayey u
dirtay, oo ay kala dhex galisay, ee ninkii hadlaayow, wax wanaag wax
ka taraya ku hadal, laakiin wax umadda isku sii baabiinaya ha ku
hadlin”.

Siyaasi Cabdilaahi Jawaan mar uu Madaxweynaha codsi iyo baaq u
diraayey  ayaa yidhi “Mudane Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Asalaama
Calaykum, Salaaan Kadib Mudo 10 Toban Billood Ku Dhaw ayaan Doonaayey
in aan Ballan kaa Helo Aniga oo ilaa 8 Sideed Ma’suul oo kuwa Kula
Shaqeeya ah oo kii Ugu Dambeeyey ahaa Mudane Xasan Ciise Jaamac
Madaxweyne Ku-xigeenkii Ugu Horreeyey ee Jamhuuriyadda Somaliland kuu
Soo diray Wax Jawaab ahna ma Helin Waxaan Doonaayey inaan kugu Soo
Booqdo Xafiiskaaga Waxaanan Si Kasta isugu Dayey in aan Ballan kaa
Helo iimayna Suuro Gelin, Waxaan Doonaayey in aan kaalo Hadlo Sadexdan
Arrimood:

Xaaladda Guud Ee Dalka 2. Sheekh Adan Sunne iyo Dhalinyarada La Xidhan
ee Ka Tirsan Degmada Axmed Dhagax 3. In Aan Kalo Hadlo Astaanta
Qaranka JSL Si aad Faafinta Rasmiga ee JSL aad ugu  Soo Saarto oo aad
ii Geliso Haddaba Mudane Madaxweyne Waxaan Maanta Talo ahaan kuugu Soo
Jeedinayaa in aad Saamaxaad u Fidisid Sheikh Aadan Sunne iyo
Dhalinyarada Lala Xukumay Waxay La Mid Yihiin Sheikha President Obama
Soo Daayey  eeg Warqadan MP ee Lagu  Soo Daayey Sheikha ee aan
Codsaday inuu Xaq Helo”.

Cabdillaahi-jawaan, ayaa saxaafadda u soo bandhigay warqad uuu qoray
Wasiir Justine Greening oo sannadkii 2015 ahayd xildhibaan laga soo
doortay xaafadda uu ka degenyahay Cabdillaahi-jawaan magaalada London
ee dalka Ingiriiska oo uu ka codsaday inay wax ka qabato wadaad caan
ahaa oo lagu xidhay dalka Maraykanka, kaas oo ay markii dambe Ms.
Justine oo wasiir noqotay ka shaqaysay dib u soo celinta ninkaas. Ms.
Jutsine ayaa wasiir ka soo noqotay xukuumadihii kala dambeeyay ee
Ingiriiska, imikana waxay tahay xoghayaha tacliinta ee dawladda
Ingiriiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here