“Waxaanu Farmaajo U Sheegnay In Soomaaliyadii Siyaad Barre Ee Uu Ninka Keliyi Talinayay Ay Dhamaatay”

31
3796

Safiirka dalka Talyaaniga u qaabilsan dalalka Gobolka Geeska Afrika

Hargeysa(Geeska)-Safiirka dalka Talyaaniga u qaabilsan dalalka gobalka
Geeska Afrika Danjire Luciano Pezzotti, ayaa sheegay inay Madaxweynaha
Soomaaliya Maxamed Farmaajo ku wargeliyeen inuu iska ilaaliyo
dabeecadihii Maxamed Siyaad Barre ee kalitalisnimo.

Danjire Luciano Pezzotti, oo shalay hadal ka jeediyay shir balaadhan
oo ka dhacay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga oo lagaga hadlayay
xaaladaha gobalka Geeska Afrika, ayaa wuxuu ku soo hadal qaaday
khilaafka u dhexeeya dawladda Soomaaliya iyo dawlad goboleedyada,
waxaanu yidhi, “Waxaanu Farmaajo u sheegnay in Soomaaliyadii Siyaad
Barre ee uu ninka keliyi  xukumayay ay dhammaatay.” Ayuu yidhi danjire
Luciano Pezzotti, waxaanu intaas raaciyay, “Waxaanu ka codsanay inuu
xal u raadiyo khilaafka hadda ee u dhexeeya dawladda Muqdisho iyo
dawlad goboleedyada.”

Danjiruhu waxa kale oo uu ka hadlay isbedelada siyaasadeed ee ka socda
gobalka Geeska Afrika, waxaanu soo hadal qaaday heshiiska taariikhiga
ah ee dhex marya Itoobiya iyo Ereteriya iyo weliba isfahamka bilowga
ah ee Djibouti iyo Ereteriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here