Wasiir Ingiriis Ah Oo Addis Ababa U Imanaya Si Uu Madaxweyne Siilaanyo Ugu Qanciyo Inay Somaliland Ka Qayb Gasho Shirka May Ee London

0
587

Picture6Hargeysa(Geeska)-Dawladda Ingiriiska ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya u soo diraysa wasiirkooda u qaabilsan Afrika Mark Simon , kaas oo Addis Ababa kula kulmi doona Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.

Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in wasiir Simon, oo la filayo inuu caawa soo gaadho Addis Ababa, uu Arbacada beri kulan la yeelan doono Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, oo isagu weftiga uu hoggaaminayo maalmo kaga hadhi doona Addis Ababa. Ilahan xogogaalka ahi waxay intaas ku dareen in wasiirku Madaxweyne Siilaanyo u gudbin doono farriin uu uga sido Raysalwasaare David Cameron oo la xidhiidha sidii uu Madaxweyne Siilaanyo uga noqon lahaa go’aanka uu ku qaadacay ka qayb galka shirka London ee uu Ingiriisku qabanayo bisha May. Waxaana la filayaa in wasiirku isku dayi doono inuu Madaxweynaha ku qanciyo ka qayb galka shirkaas.

Geesta kale, waxa iyaguna maanta Madaxweynaha Addis Ababa ugu imanaya wefti ka socda safaaradda Ingiriiska ee fadhigeedu yahay Nayrobi, kuwaas oo la filayo inuu hoggaaminayo safiirka Ingiriiska ee Somaliland iyo Somaliya Mr. Matt Baugh, waxaanay hordhac u yihiin wasiirka Arbacda la balansan Madaxweynaha, iyagoo Madaxweynaha u sii qadimi doona codsi la xidhiidha sidii ay Somalialnd shirkaas uga qayb geli lahayd.

Laakiin lama saadaalin karo go’aanka uu Madaxweynuhu qaadan doono, waxase laga warqabaa inuu Madaxweynuhu shacabka hore ugu cadeeyay inaanay Somaliland shirkaas ka qayb geli doonin, maadaama oo uu yahay mid u gaar ah dawladda Somaliya, islamarkaana ay wada hoggaamin doonaan Madaxweynaha Somaliya iyo Raysalwasaaraha Ingiriiska David Cameron.