Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Hadlay Shirka Wada Hadalka Ee Turkiga Iyo Qodobada Kala Fog Ee La Isla Hortagayo

0
571

Picture5Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa daboolka ka qaaday inay shirkii ay Somaliland diiday lagu waday in wada hadalada Somaliland iyo Somaliyana  ay ka barbar socdaan, waxaanu sheegay inay shirkaas iyo wada hadalada halkaas ay u arkeen kuwo aan loo sinayn, islamaarkaana ay ka gaws-adaygayaan.

Waxa uu sida oo kale madaxweyne Axmed Siilaanyo sheegay inay dalka Turkiga wada hadal ay kula galayaan Somaliya, isla markaasna ay ku adkaysan doonaan in dunidu ay aqbasho madaxbnaanida Somaliland, sida oo kale waxa uu sheegay in madaxda Somaliya aanay u yeedhinayn cida wada hadalkaas ka soo qabygalaysa, balse ay diidan yahiin uun cid sheeganaysa Somaliland.

Waxa uu arimahan iyo kuwo kaleba kaga hadlay madaxweyne Axmed Siilaanyo isaga oo warbaahinta ugu waramaayay qaybta nasashada ee madaarka Cigaal halkaas oo uu uga sii kacitamaayay dalka Itoobiya oo uu u dhaafi doono dalka Turkiga oo ay ka furmayaan wada hadalada Somaliland iyo Somaliya wajigoodii sadexaad.

Madaxweynaha oo warbaahinta la hadlaayay waxa uu hadalkiis ku bilaabay  “ Waxaanu u aba baxaynaa dalka Turkiga halkaas oo nalaga marti qaaday inaanu halkaas u tagno wada hadal Somaliland iyo Somaliya la xidhiidha, waad ogaydeen oo inaga siyaasadeenu waxay ahayd  mar walba iyo goor kasta meeshii aanay waxba ku jabnayan ee danta Somaliland lagaga hadlaayo inaan tagno.Cida madaxbanaanida doonaysa ee doonaysa inay dalkeeda u dagaalanto ee doonaysa inay xoriyadeeda way hayasataaye inay dunidu aqbasho oo dunida ay ka dhaadhaciso waa Somaliland, hadlkii danta iyo maslaxadu ay inoo tilmaamto ee laynooga yeedhana waa aanu tagaynaa.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Waad ogaydeen wada hadalo badan ayaa meelo badan laynooga yeedhay oo Ingiriiska iyo ay ka mid ahaayeen qaybo badan ayaynu ka qaybgalnay meelo aynu ka gaws qabsanayna waa ay jiraan sababtoo ah waa ay inoo cuntami waayeen waxaanay inoogu muuqanaysay in ay ahayd meel aan wada hadal buuxa oo aynu u simanahay aan ahayn, halkaaas ayaanu tagaynaa wada hadaladii ayaana inoo furmi doona dan iyo maslaxad ayaana inoogu jirta wafti balaadhana waanu ku tagaynaa oo ay madaxda asxaabtu ay ka mid tahay gudoonka baarlamaanku uu ka mid yahay oo masuuliyiinta dawladuna ay ka mid yahiin. Waxaan inoo rajaynaynaa inaan halkaas waxii qadiyadeena ah umadda iyo dunida aan gaadhsiino, inaan shirarka tagno oo qadiyadeena la maqlaa waa danta Somaliland, cidda madaxbanaanida iyo inay qadiyadeeda dunida gaadhsiiso doonaysa waa inaga taasna diyaar baanu u nahay mar walba u nahay iyada oo aynu qaran ahaan u wada dhan nahay, markaas halkaas ayaanu tagaynaa Allena waxaanu ka baryaynaa inaan guul kala soo noqono.”

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo la waydiiyay ajandaha shirkaas waxa uu yidhi “ Ajandahiisa cadaan nalooguma dhigin oo wax kow iyo laba la odhanaayo maaha laakiin Somaliya iyo Somaliland oo la wada hadal siinayo weeye, Somaliland iyo Somaliya haddii la wada hadalsiinayo qodabada laga wada hadalsiinayaa waa iska cadaan oo waynu iska garanaynaa,Somaliyana waxay doonaysaa in laysku noqdo hadalkoo kooban oo Somaliya laga mid noqdo, Somalilandna waxay doonaysaa in madaxbanaanideeda ay dunidu ictiraafto oo ogalaato, halkaas weeye halka laysaga imanayaa oo wax cusub maaha oo wax inaga qarsoon maaha,dunidana albaabada ka xidhan mayno albaabada ee inaga oo qadiyadeena sheeganayna waynu tagynaa, waynu la hadlaynaa, waynu gartamaynaa mawqifka umadeena ayaynu si cad u muujisanaynaa.”

Ugu danbayntii madaxweynaha oo la waydiiyay bal sida uu u arko in wada hadalada ay Somaliya ku soo darto xubno dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland waxa uu yidhi “ Dadka dawladaas ku jira anagu u yeedhin mayno cida ugu jiraysa, anagu dad halkan naga tirsan oo Somaliland sheeganaya ma ogalin, laakiin qof halkaas wasiir ka ah ama madax iyaga ka mida ah u yeedhin mayno.”