Wasiir Duur Oo Si Saraaxad Leh Uga Hadlay Arrintii Cabdiraxmaan Cabdiqaadir

1
674

Hargaysa( Geeska )-Wasiirka arimha gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur), ayaa markii ugu horaysay ka hadlay qaabkii xilka looga qaaday gudoomiye ku xigeenkii xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, mudaharaadyada ay ku hawlanyahiin ururadii guddida diiwangalintu ay ku dhawaaqeen inay hadheen. Sidoo kale wuxuu wasiirku daboolka ka qaaday in ay guud ahaanba joojiyeen in  wax shir beeleedyo ah wadanka lagu qabto.

Waxa kale wasiir Duur  ka jawaabay sababta uu hadalkiisu ugu muuqdo mid adag oo hanjabaadi ku jirto wakhtiga uu warbaahinta ka hadlaayo iyo aarimo kale oo aad u muhiim ah. Dhamaan arimahan waxa uu wasiirku kaga hadlay barnaamijka la hadal dadkaaga ee TV-ga Qaranka oo shalay lagu waydiiyay su’aalo tiro badan oo qaar kamid ah aanu halkan idiinku soo gubin doono.

Ugu horayntii wasiirka arimaha dibada Maxamed Nuur Caraale, isaga oo ka jawaabaya su’aal ku saabsanayd shir beeleedyeeada, waxa uu yidhi “Shir beeleedyadu waa meelaha aanay waxba ka soo bixin, waa goobaha madhalayska ah ee aanay umaddu ka guurin, waa hog ay umaddu hore ugu gubatay oo hadana ay markasta kor taagan tahay, umaddu qaranbay u gudubtay qabyaaladbay ka tagtay, waa inay garataa waajibkaas, wali beel intay shirtay wanaag ka soo baxay ma jirto. illaahaybaa qabiilooyin inaga dhigay, in aynu isku garanona waa ay ahayd, laakiin waxaynu u badalanay inaynu xil iyo ismuujin iyo waxaas ka dhigno, anigu waxaan leeyahay qabiilku waa wax jira’ee sidii alle u dhigay ha loo isticmaalo, laba na midbay noqonaysaa oo qaran wax wada leh ayaynu noqonaynaa oo dhulkooda dhista ama qabiilooyin kala taga oo qabiilnimadu meel ma fadhiisatee sida basasha maalinba in meel ku hadhaabaynu noqonaynaa, markaas ta aynu dooranaynaa inaga ayay inoo taala.” Ayaa uu yidhi, waxanu isaga oo arintas ka sii hadlaaya uu yidhi wasiir Duur  “Shirarka qabiiliga ah waanu joojinay, ururadiina waa la furay dhawr iyo toban bay noqdeen inta hadhay ayaa hadana inugu filan, qofka siyaasad doonaya ee saluuga wax hadoorto siyaasaduna waa madal badlaadhane halkuu iska taagayo, ninka garan waaya muxaafidnimadaw mucaaradnimadu waa gogal, aniguba xisbibaan ka soo baxay intaan garan waayay, lakiin qabyaalad ku noqodku wax badan ma taraayo mana jeclin mana soo dhawaynayno.”

Wasiirku waxa uu markii ugu horaysay ka hadlay xil ka qaadistii xisbiga Kulmiye uu xilka ka qaaday gudoomiye ku xigeenkii koowaada ee xisbigaas Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, oo su’aal laga weydiiyay, waxaanu sheegay qoomamada xukuumadda ee qodob maalintaas seegay, waxaanu yidhi“Shirkii golaha dhexe waa la buunbuuniyay laakiin in ku jirtay ayaan sheegayaa, saaxiibkay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir hal baa seegtay, intii golaha fadhiday ee kalana halbaa seegtay, labadaa qodab ee isa seega keenay waxay u faa’ideeyeen qolo meel danbe joogta oo rifayaal la yidhaahdo. Cabdiraxmaan hal baa seegtay oo xisbiga Kulmiye haddaad ka tirsanayd oo aad dhaliishay, sidaan Udub ugu baxay uga bax ayay lahayd, siyaasaduna cidhiidhi malaha oo haddii aad gogasha meel diido meel lagaa jacelyahay ayaa jirta, oo haddaad muxaafid nimadii isku garan waydo, mucaaradku waa gogal balaadhan oo waa sababta aan xisbiyada u furnay, markaas haddii walaalkay Kulmiye dhaliilay waxay ahayd Kulimiye sii dhex joogiisu faa’ido malaha madasha mucaaradnimo intaad soo dhex fadhiisato halkaas maqaaladaad ka gudbi, anigu waxaan ahaa gudidii fulinta ee xisbigii Udub, xubin golaha wakiilada ahna waan ahaa, maalintii Maansoor shirkii ugu danbeeyay ee udub lagu qabtay ragii laga xidhaan ahaa halkaygaas ayay mikirafoonada iyo maagista ka socotay. Markaas siyaasadu cidhiidhi malahee haddaad halkan garan wayday meel kalaa banaan’oo taas baa seegtay.” Ayaa uu yidhi waxaanu intaas ku daray wasiir Duur “Qoladayadiina hal baa na seegtay, waxa na seegtay, waar ninkii haddii xilkiiba laga qaadaayo xoogaa xoriyada siiya bal mikirafoonka u yara dhiiba, bal isaguna wax ha sheegtee, dabadeedna isna in tabasho ah halkaas uu ka sheegto,marka tabashadiisa iyo danbi soo eegista lays garab dhigo in dabadeedna codka la qaado, halw yaraanbay u dhaci lahayd, anagana midhakaasa na seegay. Midhbaase ka soo baxay shaqada u yar ee qof askari ah qabtaa waa fadhiiso, waxa xaqiiqdu tahay kalmadii fadhiiso iyo sawiradii nimankaas xagga hore aan ku magac dhabay ayaa ka faa’idaystay waa la buun buuniyay, laakiin jidh dil iyo wax dhacay toona ma jiraan waynu haynaa waxii duubnaa, wax dhacay xaqiiqdii ma jiraan.”

Waxa uu wasiir Duur ka jawaabayay su’aal ahayd sababta ay u joojiyeen mudaharaadyada ay dhawanahan abaabulkiisa ku jireen ururda guddida diiwangalintu ay u dhawaaqeen  inay hadheen, waxaanu wasiirku sheegay in wakhtigan aan dadku u bislayn mudaharaadada  “Hadda hawlaha dhacay waxay hayeen mudaharaad abaabulkiisu socdo iyo  warqad tobankii subaxnimo la soo qoray oo i hortaala oo la leeyahay mudaharaadbaanu codsanaynaa, markaas taladii wasaarada lagama qayb galin oo qaybteeda lama siin, kaas oo kale ma ogalin, aslana waanu qiimaynaynaa.” Ayaa uu yidhi waxaanu intaas ku daray“Halna waxaynu u baahanahay in aanay ogaano shacab ahaan,dadkeenu mudaharaadka waxay u yaqaanaan fadqalalo, uma yaqaanaan mudaharaadka sidaa aduuyada qaan gaadhay inta dariiqa la maro qofku inuu siidhigiisa iyo boodhkiisa uun uu soo qaato, waxay u yaqaaniin gadood iyo cadho, markaas intaynu mudaharaadka baranayno waxaan qabaa in aan lagu dag dagin. Dunidii mudaharaadka mudada badan taqaanayna waad arkayseen dhawaan waxii Londan ka dhacay, intaynu baranayno waxba yaanaynu ku dag dagine qofka wax tirsanayoow xaga gar soorka u dhaqaaq, guddida go’aanka gaadhay ee aad ka cabanaysana iyaga laftigoodii hor fadhiiso, oo waxaad tidhaahdaa waxaan ku dhacay halay cadeeyo, dadka go’aanka qaatayna waxa xaq loogu leeyahay inay ka qanciyaan qofka waxay ay ku reebeen.”

Wasiir Duur waxa uu markii ugu horaysay ka hadlay sababta hadalkiisu ugu muudo mid adag oo hanjabaad ay ku jirto, Hadalkaygu waa uu yara kulul yahay ayaa la yidhaahdaa, waxaana jira wax qofka iska dabcigiisa ah oo markaan baarlamaanka ka hadli jirayba waan iska hadalo kululaa, markaas aan barlaamka ahaa ciidan maan haysan, laakiin imika waxa la odhanayaa ma ciidamadan hareeraha ka fadhiya ayuu ku hanjabayaa, markaas waxaan odhan karaa marka aan hadlaayo waxa aan ahay dadka faraha taag taaga ee hadalka dhaadheereeya, dadka qaarna dib bay u fadhiistan codkooduna waa uu gaaban yahay, hanjabaad igama aha ayaan filayaaye waxaan doonayaa inaan ficil kuun muujiyo, wax iska celin nagama aha oo waxaan anigu u arkaa in xukuumaddan  ay tahay xukuumad shacbiya.” Ayaa uu yidhi waxaanu intaas sii raaciyay “ Shacabkeedana afka iyo dooda iyo is waydaarsigaba waa ay wadayaan, Markaas in aynu waxii xun ee dheer ka saarnaa waa qaran dhawr, matalan in dadkii ay ku kacaan falal amnigii buburin kara waxay leedahay khatarteeda, waana qaran dhawr, markaas qofka ay ciidanku hawl ka qabtaan maaha inuu xoriyadii qalad u fasisho, dadkeena inbadan waxa ku jirta xoriyadii ayay qalad u fasisheen, Somaliland waa dal xor ah, lakiin dawladnimada xor kama aha ee dawlad ayaa ka jirta, markaas hadii qof la xidho waxa uu odhanayaa waxa layla dhaqmay sidii xukunkii Siyaad Bare, dawladii Siyaaad Bare dawlad bay ahayd oo dawladnimada waynu wadaagnaa, indheeriya ha ku dartee, markaa waxaan filayaa inaan maanta si dagan u hadlaayay, haday ku jirtana insha allaah waan ka saarayaa.”

Ugu danbaynttii waxa uu wasiir Duur ka jawaabay, su’aal laga waydiiyay oo ahayd sida uu u arko in guddida uu madaxweynuu u saaray wada hadalada Somaliya aanay ku jirin dad waawayn oo la khibrad waayo aragnimo, waxaanu ku jawabay “Waxaan ku jiraa guddida uu madaxweynuu u igmaday inay ka qaybgalaan madahadalada Somaliya, inkasta oo aany wali sidii la rabay u dhicin aad warbaahinta kala socoteen, waxaanay aduunyadu go’aamisay in Somaliya iyo Somaliland ay wada hadlaan, markaas waxay ahayd in wada hadalku labadooda ku ee kaado, waxa lagu soo daray dad gobalo kale ka soo jeeda, Somaliland Somaliya way aqoonsatay, waxaanay u aqoonsatay in aynu darisnahay oo aynu walaalo nahay, sidaas si leeg aduunyaduna waxay ku talisay inay labadaasu wada hadlaan, inaguna waynu aqbalnay, intii laga soo daba tuuray ayaan saxid u baahan, saxidiina waanu sugaynaa.” Ayaa uu yidhi waxaanu ku daray “Waa run oo dhalinbaa ku jirta waayeelna wuu nagu jiraa oo odaygayagu waa Axmed Cabdi Xaabsade, markaas waxaanu is raacin doona firfircoonidii dhalinyaradu lahayd iyo caqligii waayeelka ee waayo aragnimadiisa lahaa, labadabana waanu is waafajin doona, waxaana leeyahay Somaliya dadka ay wada hadalada u saartay iyaguba waa rag dhalinyaro ah.”

Comments are closed.