“Arrintaydu Waxay Khusaynaysaa Laba Qof Oo Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha KULMIYE Ah” Cabdiraxmaan Cabdiqaadir

0
699

DSC02838Hargeysa(Geeska)-Guddoomiye xigeenkii xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo si jujuub ah xilkii lagaga qaaday, islamarkaana magaalada London u jooga daawaynta nabaro ka soo gaadhay hawlgalkii shirkii golaha dhexe ee KULMIYE lagaga saaray, ayaa markii u horaysay ka hadlay waxyaabihii sababta u noqday falkii lagula kacay.

Cabdiraxmaan Cabdiqadir, oo waraysi gaar ah siiyay weriye Ibrahim Cismaan oo ka tirsan shabakadda Hadhwanaag News, wuxuu sheegay inay arrintiisu fadhido Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, waxaanu xusay inuu maqlay warar sheegaya inuu Madaxweynuhu sheegay inaanu isagu amrin in sidaas loola dhaqmo, waxase uu sheegay inuu maqalka warkaas aad uga cadhooday.

Ugu horayn Cabdiraxmaan Cabdiqaar, oo ka jawaabayay inuu filayay in shirkii KULMIYE laga saari doono wuxuu yidhi “Arintan ay ka hadlkayeen arin dhamaatay ayay ahayd oo aanu hore ugu hadalnay oo Maxamed Kaahin uu shirka jaraa’id ka qabtay ayay ahayd. Maalintii khamiistee ee ka horaysay Sabtidii aanu shirka qabanay, guriga madaxweyne ku xigeenku ayaan kaga qayb galnay shir uu hogaaminaayo oo ay joogeen wasiirada Samaale, Xirsi, Maxamuud Xaashi, Hogaanka Xibiga iyo Jaamac Shabeel, oo loo dhamaa ajandaha ayaanu samaynayna, sheekadaasu sheeko taalay may ahayn niyad samaan ayaanku kala tagnay, habeenkii jimcaha ayuunbaan sheekadaas maqlay, laakiin wax kaleba waan filanayee shir kulmiye ah ayaa waligaa lagugu faro saarayaa taas waligayna meel ma soo dhigan.”

Cabdiraxmaan Cabdiqaar, oo la weydiiyay sida ay isku ahaayeen Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, wuxuu yidhi “Walaahi marka hore aad baanu isugu wanaagsanayn,  waxaan u haystaa wixii aanu u soo halganay iyo dalka horumarkii aanu la doonaynay dariiqii wanaagsanaa in aanaan haynin, dhawr goorna waan u sheegay, hase yeeshe siyaasadda waa lagu kala duwanaan karaa oo dadku iyagoo kala rayi ah ayaa la wada shaqayn karaa.

Maalintii Salaasada madaxtooyada ayaan joogay, oo hoggaanka oo dhami joogay, wasiirada oo dhami joogay, khudbad ayaan ka akhriyay oo erey ayaan ka jeediyay, madaxweynaha waanu wada hadalnay oo wada kaftanay oo wax colaad ah oo markaas aan ka arkayay ma jirin, anigu waxaan islahaa haddii meel uu ku diidayo oo uu  leeyahay ha iga baxo, xafiiskiisa ayuu odhan lahaa ha iga baxee, shirkii aan guddoomiyaha ka ahaa yaanu Ina Cabdiqaadir imanin anigu ma filaynin, imikana wararka ii soo bax baxayaa waxa weeyaan inuu madaxweynuhu yidhi anigu waxaas ma odhan ee cid kale ayaa samaysatay, warkaana aad baan uga xumaadya oo uga xanaaqay.”

Mar la weydiiyay cidda uu u tuhmayo inay ka dambaysay xil ka qaadistiisii iyo ka saaritaankii shirka, wuxuu yidhi  “Cidda masuulka ka ahayd way iska cadahay, dad waa dad la soo dirtay oo kharash ama amar hala siiyo, arrintaydu laba qof ayuun bay khusanaynaysaa, waa madaxweynaha dalka iyo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE.”

Isagoo ka jawaabayay waxa ka jira wararka sheegaya inuu dacwad ka furan doono dalka Ingiriiska wuxuu ku jawaabay, “Arintaasi waa ay jirtaa, looyarana waan qabsanayaa, in lay faro saaray oo laygu tacadiyayna shirkaasay ka muuqatay, markaas haddaan arintan xal laga gaadhin, oo aanan garawshiyo ka helin dawladan iyo xisbiga Kulmiyeba, oo aanan ilaa maanta wax garawshiyo ah ka haysan, dariiq alle dariiqaan ku doonan karo xaqaygaba waan qaadayaa.”