“Waan Caafimaad Qabaa Oo Ma Buko” Madaxweyne Afawerki

0
537

isayas_afewerkiAsmara(Geeska/W.Wararka)-Madaxweynaha dalka go’doonka ku jira ee Ereteriya Issias Afawerki ayaa beeniyay inuu ku jiro xaalad caafimaad oo liidata, ka dib markii ay suuqyada si weyn ugu faafeen inuu xanuun u jiifo.

Maalmihii u dambeeyay waxa si weyn suuqyada ugu jirtay inay xaaladda caafimaad ee Madaxweynaha Ereteriya liidato, ka dib markii aan muddo ku siman 30 maalmood laga arag telefishanka keliya ee dalkaas ka jira oo ay dawladu maamusho oo uu inta badan ka muuqan jiray. Inkastoo ay wasaaradda warfaafinta ee Ereteriya jiritaanka warkan beenisay, haddana sheekadu way sii siyaaday. Aakhirkiina Madaxweyna Afawerki laftiisa ayaa habeenimadii Sabtidii ee toddobaadkan soo fadhiistay telefishanka dalkaas oo laga sii daayay waraysi si toos ah u baxayay oo lala yeeshay. “Waan nasiib badanahay. Waxaan ku jiraa xaalad caafimaad oo wanaagsan.” Ayuu yidhi Madaxweynaha Ereteriya oo u muuqday nin caafimaad qaba, waxaanu intaas raaciyay inay faafinta warkaas ka dambeeyeen dad uu sheegay inay maskaxdooda xumaani ka buuxdo, waxaanu shacabkiisa ugu baaqay inaanay rumaysan wararkaas ku tidhi ku teenka uu ku sheegay, “Shacabku waa inaanay rumaysan wararkaas been abuurka oo laga yaabo inay weligood soo noqnoqdaan.”

Dawladda Ereteriya ayaa hore faafinta warkan xanuunka Madaxweynahooda ugu eedaysay hay’adda Maraykanka u qaabilsan sirdoonka ee CIA.

Madaxweyne Afawerki ayaa la sheegaa inuu aad u badsado cabitaanka khamriga, taasoo dhibaatooyin xun gaadhsiisa wadnaha. Bishi October, 2009 ayey ahayd markii qoraal sir ah oo uu sii daayey WikiLeaks lagu sheegay in Madaxweyne Afawerki aanu cunun cunto fiican, b alse uu khamriga badsado. "Isayas wax yar ayuu cunay xilligi cuntada, laakiin wuxuu cabay ku dhawaad dhalo tayo-sare leh oo ahayd Moutai, waxaanna cadeyd inuu sakhraamay," sidaas waxaa yidhi safiirki hore ee Mareykanka ee Eriteriya, Ambassador Ronald McMullen, isagoo ka waramayey xaflad lagu qabtay safaaradda Shiinaha ee Eriteriya oo ay ku kulmeen Isayas.