Wasakhowga Maqalku Waxa Uu Keenaa Cudurro Khatar Ah: Sababihiisana Waxaa Ka Mid Ah Sawaxanka Badan

3
9587

London (Geeska)- Marka ay dadku maqlaan dhaawaca uu wasakhowga dheguhu caafimaadka ku keeni karo, waxaa laga yaabaa in waxa ugu horreeya ee niyadda ku soo dhacaa uu noqdo qiiqa cufan, boodhka iyo hawada aan nadiifta ahayn ee raad xumada ku keenaya caafimaadka, laakiin dad badan ayaan ogeyn ama aanay maskaxdoodu dhaqso u sawiran karin in wasakhowga dhegaha ee laga hadlayaa uu yahay sawaxan iyo qaylada badan, oo aan ka khatar yarayn noocyada kale ee wasakhoga ah ee aynu soo sheegnay.

Steven Stansfield oo ah cilmibaadhe ku xeeldheer cilminafsiga oo u dhashay dalka Ingiriiska, ayaa sheegay in qofka ay maqalkiisa ku badan yihiin buuqa iyo sawaxanku ay u badan tahay in ay ku dhacaan xaalado caafimaad darro iyo xanuunno ay ka mid yihiin dhiigkarka, dareenka maqalka oo hoos u dhaca, xanuunnada wadnaha ku dhaca iyo buurni badan.

Adduunyada maanta ay qasab tahay in maqalka qofka ay ku soo dhacaan buuq iyo sawaxan joogto ah, kaas oo ka jira meel kasta oo ay ka mid yihiin jidadka, suuqyada, guuxa gaadiidka iyo xitaa muusikada iyo goobaha xafladaha lagu qabto.

Dadka ku nool meelaha ku dhow jidadka waaweyn iyo suuqyada, ayaa uu buuqa iyo sawaxanka ugu badani ku dhacaa dhegahooda, waxa aana inta badan lagu arkaa Khalkhal iyo caafimaad darro dhinaca maqalka ah, kaas oo si toos ah u saameeya raaxadooda iyo xitaa hawlmaalmeedkooda caadiga ah.

Dhinaca kalana hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa soo saartay halbeegyo ay tahay in aynu ku kala saarno codadka iyo dhawaaqyada aynu sawaxanka iyo qaylada u aqoonsan karno, waxa aanay ku dareen sawaxanka iyo guuxa aynu ka maqalno diyaaradaha aynu ku safrayno.

Xaaladaha wasakhowga dhegaha waxaa ka mid ah kuwo uu qofku isagu doonistiisa isugu keeno, waxa aana ka mid ah muusiko cod dheer ah oo uu dhegeysto ama sameecadda dhegaha oo uu joogto ugu dhegeysto muusiko iyo codad aad u dhaadheer.

Cilmibaadhe Steven Stansfield oo ka tirsan jaamacadda Queen Mary ee dalka Ingiriisku waxa uu sheegayin ay waajib tahay in dawladuhu ay ka hawlgalaan ay dadkooda ka caawiyaan la dagaalanka wasakhowga maqalka, si ay uga hortagaan in dhibaatada caafimaad ee ka dhalanaysa mustaqbalku ku sii fiddo dadkooda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here