Wasaaradda Waxbarashada Oo Maanta Ku Dhawaaqeysa Natiijada Imtixaanka Shahaadiga Ah

0
853

Picture4Hargeysa (Geeska) – Wasaaradda waxbarashada Somaliland, ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqaysa natiijada imtixaanaadkii shahaadiga ah ee dugsiyada sare iyo dhexe, kuwaasi oo muddo lagu hawlanaa sixitaankooda.

Imtixaanka Fasalada Afraad ee dugsiyada sare iyo 8-aad ee dugsiga dhexe, ayaa waxa ku dhawaaqi doonta wasiirka wasaaradda waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aaden iyo Guddoomiyaha guddida imtixaanaadka qaranka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax (Daa’uud Gadhweyne) oo isaga iyo guddidiisu muddo ka soo shaqeynayeen sixitaankiisa iyo isku dubaridkiisa.

Imtixaankii shahaadiga ah ee maanta lagu dhawaaqayo natiijadiisa, ayaa waxa sanadkan u fadhiistay guud ahaan fasalada afraad ee dugsiyada sare iyo fasalada siddeedaad ee dugsiyada dhexe arday tiradoodu dhamayd 20.000 guud ahaan Somaliland, sida ay hore u sheegtay wasiirka Wasaaradda waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aaden.

Ardayda labaatanka kun ka badan ee imtixaankooda shahaadiga ah lagu dhawaaqayo, ayaa waxay isugu jiraan ardayda dugsiyada dawladda iyo kuwo sida gaarka ah loo leeyahay, kuwaasi oo ku tartama kaalinta koowaad ee imtixaanaadka shahaadiga ah.

inkasta oo sanadihii hore ay imtixaanka shahaadiga ah ay kaalinta koowaad ka gali jireen dugsiyada sida gaarka ah loo leeyahay, su’aasha maanta taagani waxay tahay cidda doorkan kaalinta koowaad ka gali doonta imtixaanka shahaadiga ah, kaasi oo maanta lagu dhawaaqayo.