Bashaar Asad Oo Maraykanka Ugu Hanjabay Aar-goosi

0
637

Picture3Washington(Geeska/W.Wararka)-Madaxweynaha Suuriya Bashaar Asad, ayaa muujiyay inuu weeraro kaga aargooson doono Maraykanka, haddii uu Obama weerar ku qaado dalkiisa.

Waraysi, xalay la baahiyay oo uu Madaxweynaha Suuriya siiyay telefishanka Maraykanka ee CBC, wuxuu sheegay inaanu Maraykanku soo bandhigin wax cadayn ah oo muujinaya inay dawladiisu isticmaashay hubka kiimikada ah.

Mar la weydiiyay Bashaar Asad, inuu aargoosi samayn doono haddii uu Maraykanku weeraro, wuxuu yidhi, “Waa inaad filiataa wax walba. Maaha muhiim inaad dawladda oo keliya wax ka filatatid, dawladu maaha cidda keliya ee gobalka joogta.”

Madaxweynaha Suuriya, wuxuu sheegay inaanay dawladiisu isticmaalin hubka kiimikada ah, waxaanu sheegay in doodda Maraykanku xasuusinayso weerarkii uu Maraykanku ku qaaday Ciraaq, “Waxay I xasuusay beentii weynayd ee uu Collin Powell [Xoghayahihii arrimaha dibadda ee hore] u soo bandhigay Qaramada Midoobay, laakiin arrintan, Kerry, ma soo bandhigin wax cadaymo ah.”

Wuxuu sheegay inaanay dadka Maraykanku doonayn dagaal lagu qaado Suuriya, “Inta badan ee shacabka Maraykanku ma doonayaan dagaal, maaha Suuriya oo keliya ee meel walba. Maraykanku ma tixgeliyo shuruucda caalamig aah, waanu ka talaabsadaa axdiyada Qaramada Midoobay, markaas waa inaanu diyaar u ahaana wax kasta. Laakiin marka la eego beenta aanu maqlaynay labadii toddobaad ee u dambeeyay, waa inaanu filanaa ta’ ugu xun.”