Wasiir Shukri Oo Wareegto Ka Soo Saartay Dhoofinta Sharci Darada Ah Ee Duur-joogta

3
565

Picture5Hargeysa (Geeska) – Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland, ayaa soo saartay wareegto isku-duwayaasha Gobollada ku amraysa inay ka hor tagaan dadka caadeystay inay duur-joogta dalka ssi sharci daro ah u dhoofiyaan.

Wareegtadan oo lagu socodsiiyey isku-duwayaasha gobollada dalka isla-markaana ay ku saxeexan tahay Wasiiradda wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa  sidoo kale lagu sheegay in la diwaangalinayo duur-joogta lagu haysto huteelada iyo guryaha Magaalooyinka dalka.

Wareegtada oo xalay soo gaadhay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa u qornayd sidan:-

Ujeedo: Xakamaynta Dhoofinta Duur-joogta.

Dhammaan isuduwayaasha ay warqaddani ku socoto waxa lagu wargalinayaa inay Duur-joogta sida sharci darada dalka looga dhoofiyo in talaabo adag laga qaado sidii la isku hortaagi lahaa dhoofinta  Duur-joogta.

Isu-duwayaasha gobollada Awdal, Selel, Maroodi-jeex, Saaxil, Togdheer, waxa lala socodsiinayaa in meelaha ugu badan ee ay duur-joogta ka dhoofto ama dalka laga soo galiyo ay tahay gobolladiina sida Ugaadha Diinta, Masacagaleyda iyo Cashabadhida IWM, ciddii lagu qabto la horgeeyo sharciga, waxa kale oo wargalinayaa in tiro koob lagu sameeyo dhammaan wixii Duur-joog lagu haysto Magaalooyinka gudahooda sida guryaha, hudheelada IWM, wax dambana aan lagu soo kordhin Karin.

Taliyaha ciidanka, waxaanu ka codsanaynaa inuu nagala hawlgalo, gaar ahaan Gobollada iyo degmooyinka”

Comments are closed.