Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici, ayaa shalay xadhiga ka jaray dhisme loo dhisay wasaaradda waxbarashada.
Dhismahan oo ay maalgelisay hay’adda USAID oo deeqda soo marisay hay’adda Mercy Corps, waxa furitaankiisii ka qayb galay ku xigeenka madaxa USAID iyo safiirka Maraykanka u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya iyo saraakiil sare sare oo ka socotay Mercy Corps.
Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aadan oo halkaas hadal ka jeedisay ayaa hay’adda Mercy Corps iyo USAID uga mahadcelisay sida dhow ee ay ula shaqeeyaan wasaaradda waxbarashada, waxaanay sheegtay in dhismaha loo dhisay wasaaradu uu yahay dhisme tayo leh oo mar walba lagu hayay daba gal si uu u noqdo mid dhaxal gal ah.
Madaxweyne xigeenka Somaliland Md. Saylici oo xafladaas ka hadlay ayaa hay’adda USAID ku ammaanay doorka ay kaga jirto horumarka kaabayaasha Somaliland, waxaanu sheegay inay USAID qaybo badan ka caawisay Somaliland, isagoo sheegay inay Somaliland soo dhawaynayso la shaqaynta USAID.
Ms. Etim Linda oo ah qofka labaad ee ugu sareeya hay’adda USAID oo iyaduna halkaas hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in USAID ay mar wlaba ka qayb qaadanayso horumarka Somaliland iyadoo shacabka Somalialnd ku ammaantay sida ay uga shaqeeyeen horumarka wadankooda.
Dhismahan oo ka kooban laba daba, waxa uu socday muddo, waxaana hadda ka dib uu noqonayaa mid ka mid ah xafiisyada bilicda leh eek u soo kordhay xafiiska dawladda.