Suldaan Xiirey Oo Xukuumadda Iyo Suldaanka Buuraha Gobalka Awdal Galayba Baaqyo U Diray

0
518

22Hargeysa (Geeska)- Suldaan Yuusuf Maxamuud (Xiiray),kana mid ah Madax dhaqameedka dalka,  ayaa dardaaran iyio Fariim u diray Suldaan Abibakar Cilmi Wabar oo dhawaan sheegay inaan Gobolada Galbeedka Somaliland ka sii mid ahaanayn Somaliland, islamarkaana galay Degaanka Qul-u-jeed ee Gobolka Awdal halkaasi oo la sheegay inuu Maleeshiyo ku Urursaday. waxa uu sidoo kale farriin u diray Xukumadda taladda dalka haysa.

Afhayeenka Salaadiinta Somaliland Suldaan Yuusuf Maxamuud (Xiiray),oo Shalay qaar ka mid ah Warbaahinta u waramaya ayaa isaga oo airntan ka hadalyla yidhi “Waxaan leeyahay Suldaan Wabar halkani waa Dalkaagii, waa Gurigaagii, waa ciidaadii, waa Hoygaagii oo waa halkii aad ku dhalatay. waxaan u malaynayaa Somaliland inaynu Maanta kala qaybino, kala googayno, kala qaad-qaadno midnaba maaha”.

Suldaan Xiiray oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Suldaanka waxaan leeyahay wixii kasta ee Cabasho ah ee Degaanka iyo dadka iyo Goboladu qabaanba waa in si wanaagsan oo qiimo leh oo sharaf leh looga wada arinsado oo wixii cabasho ah ee jira si fiican Miiska loo soo dhigo ayaan Suldaanka ka codsanayaa”

Suldaan Xiiray oo  Xukuumadda baaq u arintan ku saabsan u dirayaana waxa uu yidhi “Xukumadda  waxaan u soo jeedinayaa in Qadiyada Gobolada Awdal iyo Salal ay si fiican oo sharaf leh ay u eegaan oo mar haddii ay Salaadiintii iyo Odayaashii cabasho soo gudbiyeen in si wanaagsan  oo qiimo leh loo Eego, suldaankana waxaan leeyahay arintaas ka noqo Somaliland iyo qarankana xaal sii.”