Xabbad Joojinta Qaza Oo La Jebiyay

0
658

Picture1Xabad joojintii Qasa ayaa si kedis ah shalay u burburtay. Isra'iil iyo Xamaas ayaa midba midka kale ku eedeeyay  inuu jebiyay xabbad joojintii halka dhinac ahayd ee Isra'iil ku dhawaaqday.

Israa’iil ayaa goor sii horreysay Marinka Gaza kaga dhawaaqday waxa ay ku tilmaantay xabbad joojin dhanka bini’aadanimada ah oo socon doonto muddo toddobo saacadood ah, taasi oo billaabmatay isniintii shalay.

Balse Xamaas ayaa ka digtay in xabbad joojintaas "aan lagu kalsoonaan karin" Iyadoo Isra'iil ay sii wato duqeynta Qaza, ayaa Faransiiska si aan hore looga baran waxaa uu u cambaareeyay weerarrada Isra'iil ee Qaza, oo uu ku tilmaamay "xasuuq".

Israaiil ayaa dib u bilowday duqayn xoog badan oo ay dad badani ku dhinteen shalay.

 xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon, ayaa si xooggan u cambaareeyay duqeyn dhanka cirka ah oo ay Israa’iil ka gaysatay meel u dhow iskuul ay maamusho Qaramada Midoobay oo ku yaal Marinka Gaza, waxa uuna weerarkaasi ku tilmaamay “Mid niyad jab ah isla markaana ah fal dambiyeed”.

Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay duqeynta Isra'iil ee Iskuul ay leedahay Qaramada Midoobay.

Mareykanka ayaa dhankiisa sheegay in uu ka argagaxay waxa uu ku tilmaamay duqeynta arxan darrada ah.

Falastiiniyiinta ayaa sheegaya in duqayntaasi ay ku dhinteen ugu yaraan toban qof.

Afhayeen u hadlay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Gargaarka Chris Gunness, ayaa sheegay in loo baahan yahay in weerarkaasi lagu sameeyo baadhitaan deg deg ah.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegaya in ay bartilmaameedsanayeen saddex ka mid ah dagaalyahanada Islamic Jihad oo saarnaa mooto maraysay meel u dhow iskuulkaasi Qaramada Midoobay, islamarkaana ay baadhayaan sida ay wax u dhaceen. Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha Wang Yi oo magaalada Qaahira booqday Axaddii ayaa ugu baaqay labada dhinac ee Israa’iil iyo Xamaas in ay ogolaadaan qorshaha nabadda si loo badbaadiyo nolosha dadka rayidka ah.