Wasaaradda Beeraha Oo Lagu Wareejiyey Siidh

0
590

Hargeysa (Geeska) – Wasaaradda beeraha Somaliland, ayaa shalay lagu wareejiyey  Siidh ka kooban noocyada khudaarta iyo weliba nooc kala duwan oo ubaxa ah.

Munaasabad ka dhacday xarunta wasaaradda beeraha oo ay ka soo qayb galeen masuuliyin ay ka mid yihiin wasiirada wasaaradaha shaqada iyo arimaha bulshada, xidhiidhka golayaasha, wasiiru dawlaha maaliyadda, agaasimayaasha guud ee wasaaradaha macdanta, dib-u-dejinta iyo hay’ayadaha ay wasaaradda beeraha wada shaqaynta leeyihiin, ayaa waxa hadallo ka soo jeediyay masuuliyiin door ah, kuwaasi oo tilmaamay muhiimadda uu Siidhkani u leeyahay beeralayda Somaliland.

Wasiirka wasaaradda Beeraha Prof Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole) oo faahfaahin ka bixiyey siidhkan ayaa sheegay in qiimahiisu gaadhayo in ka badan laba milyan oo doollar ayna ka faa’iidaysan doonaan beeralayda, gaar ahaan beeralayda waraabka, isla-markaana ay tahay tahay kaalmo ay helitaankeeda gacan ka gaysteen muwaadiniin reer Somaliland ah oo ku sugan dalka Maraykanka “Runtii markii ay hay’addu aragtay baahida wasaaradda way nala soo xidhiidheen  waxaanay na wayiisteen oglaansho (inay noo keenaan) waanu siinay si fiican bay uga hawl galeen waana siidh qiyaastiisu gaadhaya 2milay oo dollar” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “aad iyo aad ayaan ugu mahad celinaynaa dawladda Maraykanka, waxaanu u qaybin doonaa beeralayda Somaliland, gaar ahaan kuwa jilicsan ee aan awoodi karin inay siidhka iibsadaan”

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Somaliland oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa u mahadceliyey hay’adda ARAHA oo soo gaadhsiiyay siidhkan.