Madaxa Ikhwaanul Muslimiinka Oo La Xidhay

0
611

Picture2Hoggaamiyaha ruruka Ikhwaanul Muslimiinka Maxamad Badiic ayaa lagu xidhay dalka Masar.

 

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in Badiic laga soo qabtay guri ku yaalla xaafadda Al-Nasar, oo ah halka ay dibedbaxyadu ka dhigayeen taageerayaasha madaxweynihii xilka laga tuuray ee Maxamad Mursi.

Ciidammada ammaanka ee Masar ayaa xoog ku kala diray dibedbaxyadaas waxaana halkaas ku dhintay boqolaal ruux.

Weriyayaasha ayaa sheegaya in xidhitaanka Badiic ay dhibaato ku tahay Ikhwaanul Muslimiinka oo boqolaal ka mid ah xubnahooda iyo taageerayaashooda xabsiga loo taxaabay.

Ururka Ikhwaanul Muslimiinka ayaa ku baaqey dibedbaxyo looga soo horjeeda dowladda uu militeriga taagera ee Masar.Waxay dalbanayaan in xukunka lagu soo celiyo Maxamad Mursi.

Militeriga dalka Masar ayaa xukunka ka tuuray madaxweynihii ugu horreyay ee si dimuqraadi ah loo soo doorta ee dalka Masar kaddib dibedbaxyo ballaaran oo looga soo horjeeday xukunkiisa.