Borama: Ganacsato Ku Hor Mudaharaaday Hool Ay Ku Shirayeen Golaha Deegaanka Degmada

0
576

Picture1Borama(Geeska)-Qaar ka mid ah ganacsatada yaryar ee dhuxusha iyo cawska ku iibisa gudaha Boorama ayaa shalay  mudaharaad salmi ah oo si nabadgalyo ah u dhacay ka hor dhigay banaanka hore ee hool ay ku shirayeen xildhibaanada golaha degaanka ee Boorama shalay.

Sida uu ku waramayo weriye Cabdale Cali Yuusuf, Ganacsatadan yaryar oo cabashadooda u dhiibay saxaafada iyaga oo ku hor urursan D/Hoose ee Boorama ayaa waxa ay tibaaxeen inay aad uga xun yihiin, isla markaana ka cabanayaan in ay D/Hoose ka kicicay dhul ay ku ganacsanayeen, isla markaana ay ka caga jiidayso inay meel kale dajiso.

Hooyo ka mid ah ganacsatadaas ayaa tidhi “Waxa aan nahay ganacsatadii Dhuxusha iyo Cawska, waxa aan nahay xamas, waxa aan iskugu jirnaa hooyooyin haysta caruur yaryar oo agoon iyo danyarba isugu jira, ganacsigeena waxa aan ka soo saarnaa biilka qoyska, lacagta dugsiga, jaamacadaha IWM, sidaas oo ay tahay waxa la naga kiciyay meeshii aan ku ganacsanaynay mudada dheer, meel kale oo lana dajiyayna ma jirto, markaa waxa aan xukuumada sharafta leh ka codsanaynaa inay meel na dajiso oo ay cadaalad noo samayso mar hadii aan nahay muwaadiniin”

Maayarka Boorama Saleebaan Xasan Xadi ayaa cabashooyinkan ka jawaabay saacado kadib markii uu mudaharaadkaasi dhacay ee uu ka soo baxay kalfadhigii sedexaad ee Boorama waxana uu yidhi “Ma jirto sabab aan meel kale u dajino qof markii horaba fadhiyay oo ku ganacsanayay meel sharci daro ah, waxa waajib naga saaran yahay ilaalinta bilicda magaalada, taasi oo ah tii la noo soo doortay, markaa ma jirto sabab aan meel kale u dajino, waanan ka kicinaynaa qof kasta oo meel qaldan ku ganacsanaya, gar iyo gardaraba.

Si kastaba ha ahaatee ganacsatan maanta cabashada muujisay ayaa waxa ay yihiin kuwo u badnaa dad dan yar ah oo ka ganacsada ganacsiyada yaryar ee sida dhuxusha iyo cawska.