Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Beenisay War Uu Wargeyska Foore Baahiyay

0
795

 

wasiirkaHargeysa(Geeska)-Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa beenisay war uu shalay baahiyay Wargeyska Foore, kaas oo uu ku sheegay in wasiirka arrimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gabose, dalka Holland u tagayo dhammaystirka heshiis dib loogu soo celinayo qaxoonti kumanaan ah.

Warsaxaafadeed jawaab ah oo uu shalay soo saaray wasiir kuxigeenka daakhiliga ayaa wuxuu u qornaa sidan: “Tixraac war ku soo baxay wargeyska Foore maanta oo taariikhdu ahayd 27 June 2011 cadadkiisii  68-aad, kaasoo cinwaankiisu ahaa Wasiirka ArrimahaGudaha oo dalka Holland u tagaya dhameystirka heshiis dib loogu soo celinayo kumanaan qaxooti Soomaali ah oo dagan dalkaasi’’.

Haddaba waxa ayaan darro ah in wargeyska Foore uu beryahan dambe caado ka dhigtay inuu Wasaaradda Arrimaha Gudaha ka baahiyo warar been abuur ah oo aan sal iyo raad toona laheyn.

Ma jiro heshiis ay kala saxeexdeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Dr.Maxamed Cabdi Gaboose iyo xukuumadda Holland oo ku saabsan in Somaliland dib loogu soo celiyo qaxoot reer Soomaaliland ah ama kuwo Soomaali ah oo ku sugan dalka Holland. Sidoo kale waxa been abuur ah oo aan waxba ka jirin in Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr.Maxamed Cabdi Gaboose iyo wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah dalka Holland Mr.Ben Knapen ay kala saxeexdeen heshiis qarsoodi ah oo dad Soomaliland u dhashay amaba Soomaali ah ah dib loogu soo celinayo Somaliland.

Sidoo kale waa waxba kama jiraan in Wasiir Gaboose uu maalmaha soo socda safar ku tagi doono dalka Holland si loo bilaabo soo celinta dadka qaxootiga ah sida wargeysku sheegay.

Haddaba waxa wax lala yaabo ah in wargeyska Foore uu mala awaalo beenta intaa le’eg oo wax ka jiraa haba yaraatee aanay jirin, taasoou muuqata uun in wargeysku doonayo iska hor keenka Xukuumadda iyo shacbiga reer Somaliland.

Wasaaradda Arrimaha Guduhu waxay mar labaad iyo mar saddexaadba beeninaysaa dhamaan xogaha beenta ah ee wargeyska Foore ku baahiyay cadadkiisii maanta.

Waxa looga fadhiyaa masuuliyiinta wargeyskaasi inay soo cadeeyaan halka ay ka keeneen warkan been abuurka ee xaqiiqda ka fog.”