Dadweynaha Djibouti Oo Shalay Xusay Maalinta Xorriyadda Ee 27 June

223
3703

 

geelaha jabuutiHargeysa(Geeska)-Umadda reer Djibouti ayaa shalay si balaadhan ugu dabaal degay sannad guurada 34aad ee ka soo wareegtay markii ay xorriyadooda ka qaateen gumaystihii Faransiiska 27 June, 1977.

Munaasibad ballaadhan oo lagu qabtay qasriga madaxtooyada Djibouti, ayaa waxa hadal ka jeediyay Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele, waxaanu ka waramay taariikhdii kala duwanayd ee loo soo maray xorriyadda dalka Djibouti,”Gobanimadu dhayal kumay iman, hala xasuusto dadkii naftooda iyo jidhkooda ku waayay ee dhibaatooday.” Ayuu yidhi Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, waxaanu intaas raaciyay in wax loo dhigaa aanay jirin xornimada. Madaxweyne Geele wuxuu umaddiisa ugu baaqay inay u midoobaan wax qabadka iyo horumarka dalkooda, isagoo ka waramay horumarka kala duwan ee ay Djibouti gaadhay mudadaas.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, waxa kale oo uu ka hadlay xaaladda dalka Somaliya, "Walaalaheenna Soomaaliyeed waxaan u rajeynaynaa inay nabaddu u soo laabato, waxaana ku boorrinaynaa inay u jeestaan nabadda, midnimada iyo horumarka is-famna uu dhaco," ayuu yidhi Geelle.

Madaxweynaha Jabuuti wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay haysato abaar ayna ugu biirtay nabadgalyo-darro, wuxuuna ku tilmaamay dhibaatooyinkaas isbiirsaday inay yihiin xasuuq shacabka ku dhacay. "Shacabka Soomaaliyeed waa inay ogaadaan inaan ehelkooda nahay oo aan garab joogno – wixii aan u qaban karna aan u qabanayno oo aanay jirin wax aan ka hagranayno," ayuu hadalka raaciyay.

Ciidamada qalabka sida ee dalkaas Djibouti ayaa dhoolatus milatari kusoo bandhigay barxad weyn oo ku taala xaafadda degmada Balbala, halkaas oo uu salaam sharaf kaga qaatay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa ka qayb galay dabaal degga sannad guurada 34aad ee ka soo wareegtay xorriyadda dalka Djibouti.

Comments are closed.