Jamaal Cali Xuseen Oo Shidaal Yaraanta Wadanka Ka Jirta Dusha Ka Saaray Xukuumadda

0
783

Picture1Hargeysa(Geeska)-Musharaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen, ayaa Masuuliyadda Korodhka ku yimid Qiimaha Shidaalka dusha ka saaray Xukumadda. Isagoo sheegay in sicir bararka shidaalku saamayn ku yeelanayo nolosha dadka reer Somaliland ee danyarta u badan.

Md. Jamaal, wuxuu xukuumadda si adag ugu canaantay masuuliyadda qiimo korodhka iyo weliba shidaal la’aanta dalka ka jirta, waxaanu hadalkan saxaafadda ugu sheegay madaarka Hargeysa oo shalay lagu soo dhaweeyay murashaxa madaxweyne xigeenka ee xisbigaas UCID Cabdirashiid Xasan Mataan, . “Shidaalka waad ogtihiin afar sanadood ka hor waatii dawladu shirkadii maamulaysay haamaha shiidaalka Berbera sifo bilaa sharci ah uga qaaday shirkadii Total oo aanay sharciga u marin, dadkana waxay ku tidhi lacag badan ayey idin saartaana anaga ayaa ka maamul wanaagsanayna taasna fashilaadeedii waata maanta inoo muuqata, shirkada Total waxay saaran jirtay $14 foostadii maantana waxa uu marayaa $16 dawladeenuna may odhan lacagtaas Total ayaa saaran jirtaye waa laydinka daayey ee iyadii ayaaba sii kordhisay lacagtaasina toos ayey u hoos tagtaa madaxtooyada meel ay mari jirtayna la garan maayo, iyada oo taasi jirto ayaan lacagtii dib loogu celin haamihii shiidaalka oo aan wax maal gelin ah lagu samayn taasina waa waxay keeentay inay haamaha badankoodu noqdaan qabyo oo la waayo meel dadka loogu shubo shiidaal,markay taasi dhacdana waxa imanaysa inuu  shiidaalkii yaraado,” Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen

Musharax Jamaal oo shalay  ka hadlayay soo dhawayn Madaarka loogu sameeyay Gudoomiye xigeenka Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan waxa uu sharaxay natiijada ka dhalan karta kor u kaca qiimaha shidaalka “Shiidaalku haduu yaraadana waxa imanaysa inuu qiimihu kor u kaco, qiimuhu haduu kor u kacana waxa dhacaysa in waxyaalaha kale ee ku xeernaa sida Bariiska, Baastada iyo Laydhku ay kor u kacaan oo noloshu qaaliyowdo, hadaba maamul xumadaas ay dawladu bilawday waxaanu leenahay haamaha sidan lagu wado si dalka lagu sii wado karo maaha, waana in dib loogu noqdaa  dad wax kala garanayana waa inay meesha ka shaqeeyaan oo wax kale hagaajinaya laakiin nidaamkan lacagta uun guranaya oo meesha waxba ha ku Celina horta waa qalad, nidaamkii ay dawladu tidhi dadka ayaanu ku wareejinaynaa wali laguma wareejin cashuurtiina  dusha ayaa laga sii saaray, noloshiina way sii qaali garoobaysaa, waxaynu noqonaynaa dalka ugu nolosha qaalisan geeska Afrika dadka danyarta ahina kuma noolaan karaan.” Ayuu yidhi musharaxa madaxweynaha ee Xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen.

Qiimaha Shidaalka ayaa todobaadadii u dambeeyay laga dareemayaa Qiimo korodh ku yimid, iyadoo kor loo qaaday qiimaha lagu raaco gaadiidka yaryar ee dadweynaha. Haamaha Shidaalka Berbera oo dhawaan Madaxweyne Siilaanyo kormeeray waxaa ka socda dib u habayn lagu sameynayo Haamaha, kuwaasi oo Maareeyaha Haamuhu sheegay in ilaa 5 Haamood gacanta lagu hayo.