Wasaarada Caafimaadka iyo Hay’ada Caritas Oo Wadajir U Qabtay Shir Lagu Gorfaynayo Siyaasada Fayo-dhawrka Qaranka

0
4591

 

Picture4Hargaysa( Geeska )- Wasaarada caafimaadka iyo hay’ada Caritas oo is kaashanaya, ayaa galay wajigii labaad ee siyaasada fayo dhawrka qaranka.

 

Shirkaas lagu sii gorfaynaayo wajiga labaad ee siyaasada fayo dhawrka qaranka ayaa qaadan doono laba maalmood waxaana ka soo qayb galay dawladaha hoose ee dalka,wasaaradaha caafimaadka,waxbrashada, macdanta iyo biyaha, qaar kamid ah haay’adaha dalka ka hawlgala iyo dad kale oo ka soo jeeda qaybaha kala duwan ee mujtamaca ee ay siyaasadani saamaynta ku leedahay.

Sida oo kale waxa wasaarada cafimaadka iyo haay’adan Caritas ka caawinayay dajinta siyaasadan nin khabiir ku ah arimaha fayo dhawrka.

Ugu horayntii Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Cabdi Axmed Nuur  oo shirkaas furay ayaa halkaas ka yidhi  “ Runtii wasaarada caafimaadka sharaf weyn ayay u tahay iyada oo ay kala shaqynaysay hay’ada Caritas  iyo la taliyahani in la soo bandhigo qoraal aad looga soo shaqeeyay oo da’daal badana uu ku baxay oo ka hadlaaya siyaasada fayo dhawrka qaranka, oo ujeedadeedu tahay in lagu daryeelo caafimaadka guud  iyo fayo dhawrka bulshada, waxaan jeclehay inaan hoosta dhamaanteen aynu ka xariiqno in fayo dhawrka iyo inuu qofku ku noolaado sabo caafimaad qabta inay tahay xuquuqda aasaasiga ah ee qofka, sidaas darteed xil weyni wuxuu  dhamaanteen inaga saaran yahay hagaajinta fayo dhawrka ama caafimaadka guud ee bulshadeena.” Sida oo kale agaasimahu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “ Ilaa inta habdhaqanka bulshadeenu yahay  in aynaan iska hagaajin caafimaadka sabada aynu ku noolnahay  oo wax kasta si taxadir la’aan ah layskaga daadinaayo caafimaadkeenu halis ayuu ku jiraa, leem walba baco,qarshin iyo biyo layska daadinayo lagu qubaayo wadooyin ayaynu aragnaa, hadaan laga hawlgalina khatar caafimaad ayay leedahay, qolyaha golaasha deegaanka ka socda iyaga yaa qayb libaax leh ka qaadnaya filinta siyaasadan fayo dhawrka.”

Maayarku xigeenka caasimada Hargaysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi oo ku hadlay afka maayarka iyo dawladaha hoose ee dalka ayaa sheegay inay ka hawlgali doonan sidii ay siyaasdan u hirgalin lahaayeen markay soo baxdo, isla amrkaasna samaynteeda ay saamayn ugu yeelan lahaayeen, waxaan hadalkiisa kamid ahaa   “ Marka hore dawladahayaga hoose waa ka muhiim in kaalintayadii ay ka muuqato siyaasadan ay wasaarada caafimaadku dajinayso, kuwa dhaqan galinaaya ee laga sugaayo inay daadajiyaan waa anaga dawladaha hoose ee dalka hadaanu nahay, waa in kaalintayadii ka muuqataa iyo fikradayadiiba, wasaaradan wada shaqayn wacan ayaanu leenahay oo waanu soo dhawaynaynaa, wax walibana waxay u baahan yahiin siyaasad lagu hago hadii aynu helnayna waa aynu dhaqaajinaynaa insha allaah.”

Siyaasada fayo dhawrka qaranka ayaa la filayaa markay soo baxdo inay wax weyn ka tari doonto sidii loogu jihaysan lahaa in kor loo qaado nadaafada dalka. Waxaana maalgaliyay samaynta siyaasadan fayo dhawrka midawga Yurub, waxaana hawshiisa iska kaashaday wasaarada caafimaadka iyo haay’ada Caritas.