Wasiir-xigeenka Amniga Oo Luuqad Diblomaasiyada Ka Fog Kaga Jawaabay Walaaca Dawlada Ingiriiska

0
694

 

amnigaHargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa digniinta ay dawladda Ingiriisku ka soo saartay xaaladda amni ee Somaliland ku tilmaantay inay  tahay mid baal marsan nidaamka wada shaqayneed ee Somaliland iyo Ingiriiska.

 

Wasiir xigeenka amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha Md. Cabdillaahi Abokor  Cismaan, oo shalay u waramay laanta Afka Somaliga ee Idaacadda VOA, ayaa sheegay in warbixintaasi tahay mid la majaro habaabiyay.  “Intan dawladda KULMIYE jirtay laba sanno iyo badh ah, fal argagixiso Somaliland kamuu dhicin, waxa kale oo aan cadaynayaa in amniga Somaliland yahay mid si joogto ah isha loogu hayo.” Sidaas ayuu yidhi wasiir xigeenka amnigu, waxaanu intaas raaciyay “Shaqadayadu ay tahay inaanu samayno  qiimayn amni oo maalin leh, todoaadle ah, ama bile ah.  Markaas waxaan aaminsanahay in warbixintaasi ahayd warbixin baal marsan nidaamkaii wada shaqayneed ee u dhexeeyay Somaliland iyo ingiriiska.”

Wasiir ku xigeenka oo ku hadlayay luuqad ka fog diblomaasiyadda, wuxuu sheegay inaanu Ingiriisku go’aan noocan oo kale ah gaadhin sannadkii 2008 markii ay weerarada argagixiso ka dhaceen Hargeysa, “ Iyadoo ay falal argagixiso ka dhici jireen dalka sidii dawladii hore, oo madaxtooyada la duqeeyay marna ingiriisku muu odhananin muwaadiniitayadu ha ka soo baxdo Somaliland, markaas ma fahmi karayno asbaabta dhalisay, laakiin waxaanu jecelahay inaanu u cadyano muwaadiniinta iyo dadka ajaanibta ah ee nala joogaba, amniga Somaliland maalintii  ay dawladani qabsatay heerkii uu joogays are ayaa looga qaaday, ma aaminsanin war warna kama qabno, waxaanan u cadaynaynaa inuu dalku yahay mid nabadgelyo, gacanta aaanu ku hayno, falal amni daro oo dalka ka dhacay ama ku soo socdaana aanu dareensanahay ina inaanu jirin.”

Wasiirka oo la sii weydiyay su’aal la xidhiidha sababta uu aaminsanyahay in Ingiriisku go’aankanoo kael u qaadan waayay wakhtigii ay qaraxyadu Hargeysa ka dhaceen, wuxuu yidhi , “Kolay waxaan jecelahay warku dhinac  ayuu ka soo baxay, nidaam dawli ahna waa loo xidhiidhaa wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland iyo ta Ingiriisku  inay ka xidhiidhaan, waxaan u arkayaa hadalkaasi inuu yahay hadal aan meesha qaban oo la marin habaabiyay, Somaliland aanay gayin.” Wasiirku wuxuu ku dooday in heerka uu amniga Somaliland taaganyahay ay cadaynayso madaxda hay’adaha qaramada midoobay iyo kuwa kale ee reer Yuruba inay Hargeysa u hoydaan marka ay Muqdisho ku socdaan.